Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua ayaa ka hadlay sababaha ay isku khilaafeen Madaxweynaha dalkaasi, William Ruto, isaga oo tilmaamay malaayiin Shilinka dalkaasi ah oo loo soo bandhigay si uu isku casilo. Mr Rigathi ayaa sheegay in xaqii gobolkiisa Mount Kenya lahaa la siiyay Soomaalida degta gudaha dalkaasi.
Wuxuu tilmaamay in jagooyinka Soomaalida la siiyay ay yihiin kuwo muhiim ah oo sameynaya amniga guud ee dalka Kenya.
“Waxaan uga tagay Madaxweyne Ruto, sababtoo ah wuxuu xilal muhiim ah oo dhinaca ammaanka ah u dhiibay bulshada Soomaaliyeed, xilalkaas oo loo qoondeeyay gobolka Mt. Kenya.” ayuu yiri Rigathi Gachagua.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay in Amiga guud ee Kenya gaar ahaan Weerarada ay AS ka geystaan gobolka Waqooyi Bari dalkaasi.
Bishii Agoosto 17, 2024 ayaa Baarlamaanka Kenya xilka ka xayuubiyeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaasi, ka dib markii lagu helay 5 ka mid ah 11 kiis eedaymo oo la xiriira musuq maasuq.