Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedka Jubbaland.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo aad u culus uu ka socdo bartamaha magaalada, gaar ahaan xarunta degmada, oo ay isku hayaan labada dhinac.
Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo warinayaa, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah Maxamed Ilyaas Caagane, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii dhowaan ay dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, wuxuuna hayay xilka madaxa arrimaha bulshada ee degmadaasi.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu helayaan ciidamo gurmad ah, taasoo sii kordhisay xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Dagaalkan ayaa ka dhashay muran la xiriira gacan ku haynta degmada, taasoo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo Jubbaland, oo maamulo iska soo horjeeda u magacaabay Baardheere.