Thursday, April 30, 2026
  • Login
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
No Result
View All Result
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Home Africa

UAE oo dal ahaan u casuumay Somaliland – DF maxay samey doontaa?

Axmed Geelle by Axmed Geelle
February 10, 2025
in Africa, News, Politics, Somali
0
UAE oo dal ahaan u casuumay Somaliland – DF maxay samey doontaa?
0
SHARES
17
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadka 2025 oo ka dhici doona Dubai, ma cadda in shirkaan lagu casuumay dowladda federaalka Soomaaliya.

Cirro ayaa maanta ka baxay Hargeysa, isagoo u safray dalka Imaaraadka, halkaas oo lagu marti qaaday shir Dubai ka dhici doona 11-ka ilaa 13-ka bishaan, tallaabadaan ayaa halis geli karta xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Xuseen Cabdullahi oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaas ay ka soo qeyb galayaan inta badan madaxda dowladaha caalamka.

“Madaxweynaha Somaliland wuxuu shirkaas ka jeedi doonaa khudbad taariikhi ah, isagoo dul istaagi doona geedi socodka iyo hormarka iyo guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyo badan oo saameyn ku leh gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaan lagu casuumay Madaxweyne Cirro uu muujinayo doorka ay Somaliland ku leedahay Geeska Afrika iyo mudnaanta isisoo tareysa ee caalamku siinayo.

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendayaasha shirkaas isagoo sheegay in shirkani uu muhiim u yahay caalamka, Somaliland-na ay Sharaf gaar ah u tahay in lagu casuumo.

“Tan iyo markii la aas-aasay 2013-kii shirweynahaan waxaa hoggaaminayey Sheekh Maxamed Bin Raashid-ka Imaaraadka, wuxuuna noqday madal caalami ah oo lagu gorfeeyo siyasadaha caalamka,” ayuu yiri.

Ma cadda in shirweynahaan lagu casuumay dowladda federaalka Soomaaliya, balse arrintaan ayaa xad-gudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, waxaana suurtagal ah in talaabadaan ay dhaawacdo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir: Baarlamaanka Waa Inuu Ansixiyaa Maqaamka Banaadir

Next Post

Mareykanka oo wajahaya qalalaase Dastuuri ah

Next Post
Mareykanka oo wajahaya qalalaase Dastuuri ah

Mareykanka oo wajahaya qalalaase Dastuuri ah

RECOMMENDED NEWS

Shabaabkii ugu badnaa oo usoo gacan-galay

Shabaabkii ugu badnaa oo usoo gacan-galay

1 year ago
Maydadka ajaaniib horleh oo laga helay buuraha Puntland

Maydadka ajaaniib horleh oo laga helay buuraha Puntland

1 year ago
Shabaab nolosha lagu qabtay iyagoo dagaalamaya

Shabaab nolosha lagu qabtay iyagoo dagaalamaya

1 year ago
Barlamaanka Turkiga oo sanad ku kordhiyay howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya

Barlamaanka Turkiga oo sanad ku kordhiyay howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya

1 year ago

FOLLOW US

BROWSE BY CATEGORIES

  • Africa
  • America
  • English
  • National
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Somali

BROWSE BY TOPICS

2018 League Balinese Culture Bali United Budget Travel Champions League Chopper Bike Doctor Terawan Gaza somalia Palestine ISIS Istana Negara Market Stories National Exam Puntland Shabab Somalia Turkey USA Visit Bali

POPULAR NEWS

  • Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

    Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • KENYA oo mar kale war xasaasi ah kasoo saartay madax bannaanida Soomaaliya

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Mucaaradka Samatabixinta Oo Guuldarro La Kulmaya, Dowladda Federaalka Oo Albaabada Ka Xirtay Faragelinta Dibadda

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Sacuudiga oo xukun dil ku fuliyey muwaadin Soomaali ah

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Madoobe iyo Deni “Waxaan rabnaa doorasho qof iyo cod ah”

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Contact Us: [email protected]

© 2025 MOL - News and Information MOL.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In

We are using cookies to give you the best experience on our website.

You can find out more about which cookies we are using or switch them off in .

No Result
View All Result
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion

© 2025 MOL - News and Information MOL.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00
Powered by  GDPR Cookie Compliance
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

Strictly Necessary Cookies

Strictly Necessary Cookie should be enabled at all times so that we can save your preferences for cookie settings.