Waxaa dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la filayay in maanta uu furmo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ma cadda sababaha rasmiga ah ee dib loogu dhigay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xaalad kacsan oo siyaasadeed.
Xildhibaannada labada Gole ayaa galay fasax laba billood ah, waxaana haatan qorshaha uu yahay inay dib isugu soo laabtaan, si ay usii amba qaadaan howlaha shaqo ee u yaalla.
Kalfadhigii 6-aad ee lagu wado in haatan uu furmo ayaa ah mid ka duwan, kana adag kuwii hore, maadama qoddobo masiiri ah ay go’aanno ka gaari doonaan, sida doorashada.
Mid kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka oo lagu magacaabo Cabdirashiid Jileey oo wareysi siiyay Telefishinka Somali Cable ayaa shaaca ka qaaday in fadhigan ay sameyn doonaan isbeddalo waa wayn, isla markaana uu jiri doono isla xisaabtan dhab ah.
“Isbeddal ayaa dhacaya markii Barlamaanka la furo ogow madaxweynaha in kalsoonida lagala laabto ayay xildhibaannada Barlamaanka awood u leeyihiin” ayuu yiri Jileey.
Si kastaba, Kal fadhigii 5-aad ee soo xirmay ayaa xildhibaannada Baarlamaanka waxaa ay diiradda saareen arrimo ay kamid yihiin dib u eegista Dastuurka iyo sidii dalka loogu jiheyn lahaa doorasho qof iyo cod ah oo haatan ay ka taagan tahay xiisad xoogan, maadaama ay isku hayaan dowladda dhexe, qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo mucraadka dalka.