Ciidamada geesiyaasha ah ee Daraawiishta Puntland ayaa howlgal labo maalmood ka socday buuraha Calmiskaad ee gobolka bari ku dilay ku dhowaad 60 ka tirsan Khawaarijta Daacish oo u badan ajaanib.
Sidoo kale ciidamada ayaa dagaalka ku furtay cadowgana ka furtay hub iyo saanad ciidan, iyagoo ka xoreeyey deegaano muhiim ah.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa ka warbixiyey dagaalka, waxayna sheegeen inay ku guuleysteen xoreynta deegaanadii lagu qaaday howlgallada ee saldhigga u ahaa Argagixisada Daacish.
Deegaanka Togga-jaceel ee Buuralayda Calmiskaad ayaa kamid ah goobaha dagaalka ugu culus uu ka dhacay shalay iyo maanta, waxaana gacanta ku haya ciidamada Puntland.
Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay in ka badan 15 askari, waxaana ku dhaawacmay tiro ka badan 50 askari oo ciidamada Puntland ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo xog-ogaal ah.
Afhayeenka Ciidanka Puntland Jeneral Maxamed Maxamuud Axmed, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Puntland ay guulo ka gaareen dagaal fool ka fool ah oo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay la galeen kooxda Daacish.
Wuxuu sheegay in ay ka dileen 57 dagaalyahan, oo ajaanib ku jirto, dhul cusubna ay ka qabsadeen.
Afhayeenka ayaa qiray in ciidamadooda khasaare kasoo gaaray dagaalka oo uu ku tilmaamay midkii ugu cuslaa ee dhex mara Puntland iyo Daacish, inkastoo uusan tirakoobka khasaaraha ciidankooda sheegin.