Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo war-saxaafadeed kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Ciidamada Qaranka ku amaantay sida ay degmadaas uga difaaceen kooxdii soo weerartay saakay.
Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay weerarkaas uu soo abaabulay Axmed Madoobe, waxaana qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya lagu cadeeyey in ay ka go’an tahay la dagaallanka kooxaha qaswadayaasha ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADDA AMNIGA:
Saakay waaberigii hore, koox qaswadayaal ah oo uu soo abaabulay eedaysane Axmed Madoobe ayaa fal arbushaad ah ka sameeyey degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyaga oo isku dayay in ay xasilooni-darro ka abuuraan deegaanka.
Ciidamada Amniga oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa kooxdaas ayaa si degdeg ah u qaaday tallaabooyin looga hortagayo ficilladooda.
Ciidamadu waxay si hagar la’aan ah ugu guuleysteen in ay soo afjaraan rabshadaha ay kooxdu waday, iyagoo gacanta ku dhigay xubno ka tirsan kooxdii weerarka soo qaadday.
Wasaaradda Amniga ayaa si adag u uga digaysa cid kasta oo ku lug yeelata falalka noocaan oo kale ah in ay la kulmi doonto tallaabo Waafaqsan sharciga si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalka.
Dhanka kale, eedaysane Axmed Madoobe ayaa weli ku mashquulsan abaabulka ficillo sharci-darro ah iyo dhiig-daadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo sii kordhinaya dambiyada uu horey u galay.
Wasaaradda Amniga waxay mar kale adkeynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha qaswadayaasha ah ee carqaladeynaya nabadda iyo horumarka dalka.