Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan haysta fursad weyn oo uusan helin madaxweynihii ka horreeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taas oo ah in uusan dalka ka jirin mucaarad macno leh.
Marka laga reebo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, mucaaradka kale ayaa haatan si weyn u kala qeybsan, kuwaasi oo saddex qeybood noqday.
Qeybta koowaad: Qaar Xasan Sheekh biil ka qaata, oo Facebook ruwaayad mucaaradnimo ah ku jila. Jeebka labaad ee Xasan Sheekh ayey lacagta kala baxan iyagoo iska dhaadhicinaya in uusan Xasan ogeyn.
Tan ayaa micnaheedu ka dhigan yahay in nin la biilo uusan dal iyo dad toona badbaadin karin.
Qeybta labaad: Kuwo loo heysto dambiyo hore oo ka baqaya inuu Xasan Sheekh dib u furo kiisaskooda hadii ay dagaal dhab ah la galaan.
Tan ayey dadka qaarkii ku tilmaameen kuwa aan xukun u socon, maadaama aysan meel wada gelin xukun iyo cabsi, “xukun cabsi laguma helo,” ayey leeyihiin dadka sida dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya.
Qolada u dambeysa ee saddexaad ayaa iyaguna ah qaar aaminsan in dhuumasho iyo is-qarin kursi lagu heli karo, oo aan rabin inay jidka soo istaaggan xilligaan.
Tan ayaa lid ku ah hanaankii Xasan Sheekh uu ku yimid kursiga iyo dabciga xukun kala xoogga ee Soomaaliya, iyadoo la fahamsan yahay in mucaarad aan xooganeyn uusan xukunka dhaafin karin ninka kursiga ku fadhiya.
Fallan-qeeyayaasha ayaa qaba inta uu xaalka mucaaradku sidaan yahay, oo uusan baarlamaan adag jirin inay adag tahay in laga hortago boobka ku socda hantida qaranka, barakicinta shacabka iyo lacagaha baadda ah ee maalin walba lagu soo rogo shacabka Muqdisho degan