Thursday, June 5, 2025
  • Login
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
No Result
View All Result
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Home Politics

Trump oo qaatay go’aan cawaaqib yeelan kara oo ku wajahan Soomaaliya

Bashir Xuseen by Bashir Xuseen
June 2, 2025
in Politics, Somali
0
Trump oo qaatay go’aan cawaaqib yeelan kara oo ku wajahan Soomaaliya

Screenshot

0
SHARES
8
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Related posts

Diyaarad ku dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe

Diyaarad ku dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe

June 3, 2025
Beesha Caalamka oo Mowqif Dheelitiran Qaadatay

Beesha Caalamka oo Mowqif Dheelitiran Qaadatay

June 3, 2025

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa diyaarinaya qorshe uu ku dhimo joogitaanka milatari iyo dhaqaale ee Maraykanku ku leeyahay gudaha Soomaaliya, tallaabadan oo qeyb ka ah isbeddel weyn oo ku wajahan siyaasadda guud ee Afrika, sida uu Axaddii weriyay The Washington Post.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib-u-habayn istaraatiijiyadeed oo ballaaran, kaas oo lagu yareynayo ku lug lahaanshaha Maraykanka ee qaaradda Afrika, si mudnaanta loo siiyo arrimo kale sida sugidda xuduudaha iyo casriyeynta awoodda nukliyeerka.

Miisaaniyadda cusub ee ay soo jeedisay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (Pentagon) ayaa si cad u muujinaysa jihada cusub, iyadoo hoos loo dhigay muhiimadda Taliska Maraykanka ee Afrika (Africom).

Mas’uuliyiinta difaaca ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ay xoogga saarayso “xoojinta iskaashi ka sarreeya ku-tiirsanaan,” iyadoo Maraykanku doonayo inuu dalalka Afrika taageero si uu ugu gudbiyo xogaha sirdoonka iyo teknoolajiyadda, halkii uu si toos ah uga qeyb qaadan lahaa hawlgallo milatari.

Isbeddelkan ayaa durba laga dareemayaa Soomaaliya. Maraykanku wuxuu joojiyay maalgelintii uu siin jiray cutubka Danab – oo ah xoogga ugu tababaran ee Soomaaliya u qaabilsan dagaalka ka dhanka ah argagixisada – kadib sanado taageero dhaqaale ah oo lagu qiyaasay illaa $1.5 bilyan sanadkii. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda raadinaysa ilo dhaqaale oo kale si ay u sii waddo hawlgallada cutubkaas oo ay u bixiso mushaharka ciidamadiisa.

Sidoo kale, maamulka Trump ayaa hoos u dhigayey kaalmadii uu Maraykanku siin jiray howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), xilli ay kooxda Al-Shabaab sare u qaadayso weerarrada ay ka geysanayso dalka oo dhan. Al-Shabaab, oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida, ayaa la sheegay in ay mar kale la wareegtay magaalooyin badan, iyadoo haatan ka howl-gasha qiyaastii saddex meelood meel dhulka Soomaaliya.

Bilihii u dambeeyay, Al-Shabaab waxay billowday weerarro cusub, oo ay ku jiraan madaafiic lagu garaacay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, iyo hawlgallo ka dhacay gobolka Hirshabeelle oo ku yaalla meel qiyaastii 200 mayl waqooyi ka xigta caasimadda. Falanqeeyeyaasha amniga ayaa ka digaya in kooxdaasi ay ka faa’iideysan karto firaaqa amni ee ka dhasha hoos u dhaca taageerada shisheeye.

Al-Shabaab ayaa horey u bartilmaameedsatay danaha Maraykanka. Sannadkii 2020, waxay weerareen saldhig ciidan oo Maraykanku ku lahaa Kenya, halkaasoo ay ku dileen saddex muwaadin Maraykan ah. Sirdoonka Maraykanka ayaa sidoo kale kooxda ku eedeeyay qorshe weerar oo la mid ah kii 11-kii September.

Sannadkii 2020, Madaxweyne Trump ayaa amray in dalka laga saaro ku dhawaad 700 askari oo Maraykan ah oo ka howlgalayay gudaha Soomaaliya. In kasta oo maamulka Joe Biden uu dib u geeyay boqolaal ka mid ah ciidamadaas, haddana maamulka Trump wuxuu mar kale u muuqdaa mid doonaya inuu si weyn u yareeyo joogitaanka Maraykanka ee dalka.

Soomaaliya waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah isu-socodka caalamiga ah ee badda, gaar ahaan marin-biyoodka muhiimka ah ee u dhexeeya Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Xasillooni darrada dalka ka jirta ayaa weli caqabad ku ah dadaallada nabadgelyo ee gobolka iyo kuwa caalamkaba.

Previous Post

MW Xasan oo ku dhowaaqay gogol wadatashi + Goorta ay qabsoomeyso

Next Post

Baarlabaanka oo diiday shuruuddaha ay soo bandhigeen mucaaradka

Next Post
Baarlabaanka oo diiday shuruuddaha ay soo bandhigeen mucaaradka

Baarlabaanka oo diiday shuruuddaha ay soo bandhigeen mucaaradka

RECOMMENDED NEWS

MW Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Tripoli

MW Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Tripoli

3 months ago
Waa kuma ku-xigeenka hogaamiyaha Daacish ee ku dhintay duqeyntii Mareykanka ee Puntland

Waa kuma ku-xigeenka hogaamiyaha Daacish ee ku dhintay duqeyntii Mareykanka ee Puntland

6 months ago
Beesha Caalamka oo Mowqif Dheelitiran Qaadatay

Beesha Caalamka oo Mowqif Dheelitiran Qaadatay

2 days ago
Sidee Maxamuud Cali Yuusuf uga adkaaday Raila Odinga

Sidee Maxamuud Cali Yuusuf uga adkaaday Raila Odinga

4 months ago

FOLLOW US

BROWSE BY CATEGORIES

  • Africa
  • English
  • National
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Somali

BROWSE BY TOPICS

2018 League Balinese Culture Bali United Budget Travel Champions League Chopper Bike Doctor Terawan Gaza somalia Palestine ISIS Istana Negara Market Stories National Exam Puntland Shabab Somalia Turkey USA Visit Bali

POPULAR NEWS

  • Sacuudiga oo xukun dil ku fuliyey muwaadin Soomaali ah

    Sacuudiga oo xukun dil ku fuliyey muwaadin Soomaali ah

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • MW Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Tripoli

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Gud. Amiir oo amar hore looga bartay Madaale dul dhigay..

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir: Baarlamaanka Waa Inuu Ansixiyaa Maqaamka Banaadir

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Shuute “Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida guud ahaan waxa 2024 waxaa la horkeenay 2,597 Galdacwadeed oo loo xiray 2,966 Eedeysane”

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Contact Us: [email protected]

© 2025 MOL - News and Information MOL.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In

We are using cookies to give you the best experience on our website.

You can find out more about which cookies we are using or switch them off in .

No Result
View All Result
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion

© 2025 MOL - News and Information MOL.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00
Powered by  GDPR Cookie Compliance
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

Strictly Necessary Cookies

Strictly Necessary Cookie should be enabled at all times so that we can save your preferences for cookie settings.

If you disable this cookie, we will not be able to save your preferences. This means that every time you visit this website you will need to enable or disable cookies again.