Larry André, safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya intii u dhaxeysay Febraayo 2022 ilaa May 2023, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan khilaafaadka beeleed iyo loollanka siyaasadeed ee weli caqabad ku ah dadaallada lagu raadinayo nabad waarta iyo xasillooni siyaasadeed oo dhabta ah gudaha Soomaaliya.
Wareysi uu dhawaan siiyay The Washington Post, André wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay rabshadihii la xiriiray doorashadii 2022, isagoo ku tilmaamay calaamad muujinaysa sida kala qeybsanaanta gudaha ay u wiiqeyso amniga qaranka iyo horumarka siyaasadeed ee dalka.
“In kasta oo ay socdaan dadaallo lagu mideynayo dalka, haddana kala qeybsanaanta beeleed ee qotoda dheer waxay weli tahay caqabad weyn oo hortaagan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri André, isagoo muujiyay sida ay taasi u daahineyso horumar kasta oo laga gaaro dhismaha dawladnimo.
Larry André wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay sida Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu u sii kordhiyay diiradda uu saaray arrimaha siyaasadda gudaha, isagoo ka digay in tan ay weecin karto feejignaanta loo baahan yahay ee ku wajahan halista amni ee Al-Shabaab iyo baahida loo qabo in la dhiso hannaan dowladeed oo loo dhan yahay.
“Madaxweyne kasta marka uu xafiiska la wareego, wax walba si wanaagsan ayay ku bilaabmaan, laakiin siyaasadda beelaha ayaa hadhow dumisa wax walba,” ayuu yiri Larry Andre, safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya.
Hadalka André ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay ku wajahan tahay marxalad doorasho oo kale, iyadoo weli ay taagan yihiin caqabado dhanka amniga ah kuwaas oo si weyn u saameyn kara geeddi-socodka siyaasadeed.
Sidoo kale, sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa muujiyay walaac isa soo taraya oo ku saabsan sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mudnaanta u siinayo arrimaha siyaasadda gudaha, taasoo uu sheegay inay carqaladeynayso dadaallada lagu horjoogsanayo kooxda Al-Shabaab, xilli khatarta kooxdaasi ay sii kordheyso.
“Waxaan ka walaacsannahay sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u doorbidayo siyaasadda gudaha halkii uu xoogga saari lahaa la-dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan iyadoo khatarta kooxdaasi ay kor u sii kacayso,” ayuu yiri sarkaalka, oo la hadlay The Washington Post.
Sida ay tiri warbixinta Washington Post, Tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska sanadkii 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xumeeyey xiriirka saaxiibada reer galbeedka, kaddib markii uu xoogga saaray hirgelinta nidaamka doorasho ee hal qof, hal cod ah — qorshe ay dhaliilayaashu ku eedeeyaan in marar badan loo adeegsaday dib u dhigista doorashooyinka.