Kooxda mucaaradka ee la baxay “Samatabixinta” ayaa si isdaba joog ah u wajahaya guuldarro dhinaca mucaaradnimada ah, iyadoo shacabka Soomaaliyeed aanay si weyn u aaminsaneyn mowqifyadooda, lagana dareemayo kalsooni darro iyo shaki siyaasadeed. Waxaa lagu tilmaamaa koox aan wax muuqda ku soo kordhin siyaasadda dalka, balse u muuqda kuwo rabshado iyo jahawareer siyaasadeed abuuraya.
Sida muuqata, shacabka Soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwo dareemay in kooxda Samatabixinta aysan xal siyaasadeed u haynin dhibaatooyinka dalka, balse ay qeyb ka yihiin dhibaatooyinka la joogo. Haddii mucaarad dhab ah uu saldhiggiisu yahay xal iyo isbeddel togan, kooxdaan waxaa lagu xasuustaa buuq siyaasadeed, hanjabaado iyo dhaliilo aan xal raacin. Taasi waxay keentay in sumcadooda ay si xowli ah u sii lunto.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u muujiyey mowqifkiisa ka dhan ah faragelinta shisheeye ee siyaasadda gudaha dalka. Madaxweynuhu wuxuu si adag uga hor yimid kooxaha lagu magacaabo C6+, kuwaas oo horay u muujiyay isku dayo kala duwan oo lagu wiiqayo madax-bannaanida Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada doorashooyinka ama is-bedbedelada siyaasadeed.
Kooxda C6+, oo ka kooban wakiillo caalami ah oo ay kamid yihiin qaar kamid ah beesha caalamka, ayaa dhowr jeer soo saaray bayaano si dadban ama si toos ah uga falcelinaya xaaladda siyaasadeed ee dalka. Bayaannadaasi waxaa la rumeysan yahay in ay si toos ah u taageerayeen qaar kamid ah mucaaradka, gaar ahaan kuwa Samatabixinta, kuwaasoo rajo weyn ka qabay in taageeradaas ay u adeegsan karaan cadaadis siyaasadeed.
Hase yeeshee, Dowladda Federaalka ayaa si cad u muujisay in aysan u dulqaadan doonin faragelin kasta oo kasoo horjeeda madax-bannaanida dalka. Waxaa si gaar ah loo faray kooxda C6+ in ay ixtiraamaan madax-bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana aysan noqonin dhinac ay mucaaradku ku gambadaan marka aysan helin taageero gudaha ah.
Tallaabadaas waxaa si weyn loogu bogay gudaha dalka, waxaana loo arkay difaac qaranimo iyo madax-bannaani. Waxaa sidoo kale meesha ka baxday rajooyinkii mucaaradka ee ahaa in taageero dibadeed lagu cabburiyo Dowladda Federaalka. Taasina waxay dhabar jab siyaasadeed ku noqotay kooxda Samatabixinta.
Soomaaliya waxay u baahan tahay mucaarad tayo leh, oo dalka iyo dadka u jeeda, isla markaana leh aragti siyaasadeed oo lagu aamino. Mucaaradnimo aan ku dhisneyn xal iyo kalsooni shacabka dhexdiisa kama hirgasho dalkii ay doonto ha noqotee. Kooxda Samatabixinta waxay u baahan yihiin dib u qiimeyn iyo isbeddel dhab ah, haddii ay doonayaan in si dhab ah loogu arko kuwo dalka wax u tara. Ma ahan buuq siyaasadeed iyo faragelin dibadeed mid ay shacabka Soomaaliyeed maanta u hanqaltaagayaan.
Mid ka mid ah xubnaha kooxda mucaaradka oo la hadlay MOL ayaa si cad u qiray in guuldarrada mucaaradka ee hadda aysan ahayn mid si kedis ah u timid. Wuxuu sheegay in qaladka ugu weyn ee mucaaradku galeen uu ahaa in ay guddoomiye u doortaan Shariif Sheekh Axmed — siyaasi si weyn loo yaqaan balse tan iyo markii xukunka looga adkaaday 2012 uu mucaaradayn joogto ah ku waday dowlad walba oo la soo doorto.
Xubnahan mucaaradka ah wuxuu intaas ku daray in Shariif uu noqday hoggaan mucaaradnimo oo keliya ku saleysan dano gaar ah, halkii uu noqon lahaa mid dalka iyo dadka u jeeda. Wuxuu xusay in Shariif Sheekh Axmed uu ku guul-darraystay tartanka madaxtinnimada afar jeer tan iyo markii uu xilka baneeyey, taasoo muujinaysa inuu siyaasadda u arko mid uu si shakhsi ah u leeyahay, halkii uu u arki lahaa adeeg dadweyne.
“Waa hubaal in haddii aan hoggaan cusub, karti leh, lehna yididiilo qaran raadino, mucaaradnimadeenna aysan noqon lahayn mid shacabka ka niyad jabisa,” ayuu yiri xubintan ka tirsan kooxda Samatabixinta.
Hadalkan ayaa markhaati u ah kala fogaanshaha sii kordhaya ee ka dhex aloosan xubnaha mucaaradka, taasoo sii xoojineysa fursadaha dowladda federaalka ah ee ah in mucaarad la’aan toos ah ay wajahdo xilli muhiim ah oo dalku u socdo geeddi-socod doorasho iyo dib-u-habeyn siyaasadeed.






