Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la isugu yeeray shir degdeg ah, kaas oo ajandihiisa yahay amniga iyo xasiloonida dalka.
Kulankan ayaa la filayaa in warbixino looga dhageysto Wasaaradaha Amniga, Difaaca iyo arrimaha gudaha, iyaga oo ka hadli doona xaaladda dalka.
Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada ansixin doonaan isbadalo lagu sameyn doono taliyeyaasha Ciidanka.
Shirka Golaha Wasiirada wuxuu ku soo aadaya xilli war-murtiyeed ay soo mucaaradka ku dhaliileen dowladda Federaalka, kuna baaqeen wadatashi.