Thursday, April 30, 2026
  • Login
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
No Result
View All Result
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Home Africa

Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Bashir Xuseen by Bashir Xuseen
February 6, 2025
in Africa, Politics
0
Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda
0
SHARES
11
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay Khamiista maanta “dhinacyo badan” ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF).

Ciidanka xoogga dalka, oo dagaal kula jiray ciidamada RSF ah tan iyo April 2023, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay qaaday weerar xooggan oo ay ku doonayaan inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta caasimadda.

“Ciidamadeennu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan bartamaha Khartoum… ayna ka saaraan maleeshiyada Dagalo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay AFP, isagoo tixraacaya taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo.

“Ciidamadeenna gaashaaman ayaa ka soo socda dhinacyo badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta.

Arbacadii, militariga ayaa sheegay inay “ka sifeeyeen” xaafadaha al-Remila iyo Aagga Warshadaha ee bartamaha Khartoum – kuwaasoo saddex kiiloomitir (1.9 mayl) u jira Qasriga Jamhuuriga oo ay haystaan ciidamada RSF.

Laakiin, goobjoogayaal ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbanaadeen inay dhex maraan dableyda wax toogata ee RSF oo ku sugnaa dhismayaasha dhaadheer ee ahaan jiray degmo ganacsi iyo mid dowladeed oo ku yaalla Khartoum.

Ciidamada RSF ayaan ka jawaabin codsi ay AFP u dirtay si ay uga hadlaan arrintan.

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF ay ka dhaceen agagaarka buundada Soba – oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo caasimadda dhinaca koonfur-bari.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo xoogaystay caasimadda, iyagoo jebiyay go’doomin ku dhow labo sano ah oo ay ciidamada RSF ku hayeen xarumahooda, waxaanay ciidamada RSF ku riixeen cirifyada Waqooyiga Khartoum, oo sidoo kale loo yaqaano Bahri.

Horumarka ay ciidamada militariga ka sameeyeen caasimadda ayaa ah guushii ugu weynayd muddo sannad gudihiis ah, tan iyo markii ay dib u qabsadeen Omdurman oo ku taalla dhinaca kale ee webiga Nile, taasoo, ay weheliso Waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada oo dhammaantood ka mid aagga ballaaran Khartoum-ta weyn.

Tan iyo markii uu qarxay, dagaalku wuxuu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan oo qof, isagoo dalka ku riixay qarka macluul.

Previous Post

Xamaas oo Madaxda Carabta ugu baaqay kulan degdega ah oo ka dhan ah Qorshaha Trump

Next Post

Israel oo daneyneysa inay reer Gaza u masaafuriso Puntland – Maamulka Puntland oo soo dhaweeyey

Next Post
Israel oo daneyneysa inay reer Gaza u masaafuriso Puntland – Maamulka Puntland oo soo dhaweeyey

Israel oo daneyneysa inay reer Gaza u masaafuriso Puntland – Maamulka Puntland oo soo dhaweeyey

RECOMMENDED NEWS

Israel oo daneyneysa inay reer Gaza u masaafuriso Puntland – Maamulka Puntland oo soo dhaweeyey

Israel oo daneyneysa inay reer Gaza u masaafuriso Puntland – Maamulka Puntland oo soo dhaweeyey

1 year ago
Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

10 months ago
Mareykanka oo wajahaya qalalaase Dastuuri ah

Mareykanka oo wajahaya qalalaase Dastuuri ah

1 year ago
MW Xasan Sheekh oo booqday dhaawacyada CXDS

MW Xasan Sheekh oo booqday dhaawacyada CXDS

1 year ago

FOLLOW US

BROWSE BY CATEGORIES

  • Africa
  • America
  • English
  • National
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Somali

BROWSE BY TOPICS

2018 League Balinese Culture Bali United Budget Travel Champions League Chopper Bike Doctor Terawan Gaza somalia Palestine ISIS Istana Negara Market Stories National Exam Puntland Shabab Somalia Turkey USA Visit Bali

POPULAR NEWS

  • Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

    Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • KENYA oo mar kale war xasaasi ah kasoo saartay madax bannaanida Soomaaliya

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Mucaaradka Samatabixinta Oo Guuldarro La Kulmaya, Dowladda Federaalka Oo Albaabada Ka Xirtay Faragelinta Dibadda

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Sacuudiga oo xukun dil ku fuliyey muwaadin Soomaali ah

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Madoobe iyo Deni “Waxaan rabnaa doorasho qof iyo cod ah”

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Contact Us: [email protected]

© 2025 MOL - News and Information MOL.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In

We are using cookies to give you the best experience on our website.

You can find out more about which cookies we are using or switch them off in .

No Result
View All Result
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion

© 2025 MOL - News and Information MOL.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00
Powered by  GDPR Cookie Compliance
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

Strictly Necessary Cookies

Strictly Necessary Cookie should be enabled at all times so that we can save your preferences for cookie settings.