Kulamo shalay ka dhacay caasimadda Muqdisho oo ay ka qeybgaleen xubno ka socda Beesha Caalamka iyo mucaaradka Soomaaliya ayaa mowqif dheelitiran aay Beesha Caalamka ay ka qaadatay xaaladda siyaasadeed ee dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo wakiillo kale oo caalami ah ayaa si cad u muujiyay in ay aqoonsan yihiin sharciyada dowladda jirta, taas oo si dadban u dhaawacaysa dadaallada mucaaradka ee ku wajahan sameynta xaalad sharciyeed iyo mid siyaasadeed oo cusub.
Beesha Caalamka waxay muujisay taageero ay siineyso hanaanka sharci ee jira, iyadoo dhanka kale ka dhiibatay walaac laga qabo is-marinwaaga siyaasadeed. Mowqifkan ayaa u muuqda mid si miyir leh u eegaya xasiloonida dalka, kana fog in la abuuro xaalad fowdo ah oo horseedda qalalaase dastuuri ah. Farriinta laga fahmayo kulamadaasi waa in Beesha Caalamka aysan taageerayn isbeddel xukuumadeed oo aan sharci ku dhisneyn, balse ay diyaar u tahay dhexdhexaadin iyo fududeynta wada-hadal rasmi ah oo siyaasadeed.
Inkastoo mucaaradku uu si weyn u cabbiray tabashadiisa ku aaddan maamulka hadda talada haya, haddana kulankaas waxa uu iftiimiyay caqabadaha horyaalla: mucaarad aan mideysneyn, islamarkaana aan weli soo bandhigin halbeeg siyaasadeed oo isku keeni kara dhammaan garabyada ay ka kooban yihiin. Taasi waxay wiiqeysaa kalsoonida Beesha Caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ee ay doonayaan in ay u noqdaan wax ka beddela xaaladda siyaasadeed.
Waxaa muuqata in mucaaradku uu weli ku shaqeynayo aragtiyo kala furan iyo dano gaar ah, halkii ay ka keeni lahaayeen ajande qaran oo mideysan. Tani waxay si toos ah u yareyneysaa awooddooda ay ku noqon karaan xulasho dhab ah oo siyaasadeed. Waxaa sidoo kale xusid mudan in mucaarad la’aan mideysan ay ka dhigeyso in dowladda jirta ay hesho fursad ay ku sii xoogeysato, iyadoo Beesha Caalamkuna ay dareemeyso in aysan jirin koox siyaasadeed oo u qalanta in lala simo.
Kulankan wuxuu noqday isha laga akhrin karo saddex arrimood: Beesha Caalamka waxay raadinaysaa xal waara oo ku saleysan sharci, iyadoo aan dooneyn in ay qayb ka noqoto isbeddel degdeg ah oo aan heshiis lagu ahayn. Dowladda waxay heshay nafis siyaasadeed, iyadoo lagu taageeray sharciyadeeda, taasoo u ogolaaneysa in ay sii waddo hannaanka ay ku socoto. Mucaaradka waxa laga sugayaa midnimo, ajande qaran iyo istiraatijiyad wax-ku-ool ah oo ka fog dano gaar ah ama xisaabtan shakhsiyeed.
Haddii mucaaradku uusan la imaan aragti midaysan oo siyaasadeed, waxaa suurtagal ah in fursadda ay haystaan ay si tartiib ah u lunto, isla markaana ay ku adkaato in ay noqdaan xoog siyaasadeed oo dhab ah. Si ay u yeeshaan miisaan caalami ah, waxaa lagama maarmaan ah in ay dhistaan hannaan hufan, la jaanqaadi kara xaaladda dalka, kana jawaabi kara baahida shacabka.