Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Tripoli ku soo dhaweeyey madax sare oo ka tirsan dowladda Liibiya, iyada oo si heer sare ah loo maamuusay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Liibiya sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal ay wadaagaan taariikh dheer oo ku dhisan iskaashi iyo walaaltinimo.
Inta uu ku sugan yahay Tripoli, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee Liibiya, Mudane Maxamed Al-Manfi, iyagoo ka wada hadli doona xaaladda gobolka, danaha wadajirka ah ee labada dal, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.
Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa ka arrinsanaya horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la dagaallanka tahriibta, iyo dhammaystirka dadaallada lagu soo celinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada dalka Liibiya, kuwaas oo la tacaalaya xaalado adag.
Booqashadan ayaa la filayaa in ay sare u qaaddo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, iyadoo diiradda la saarayo danaha wadajirka ah iyo wax wada qabsiga mustaqbalka.