Thursday, April 30, 2026
  • Login
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
No Result
View All Result
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Home Africa

HirShabeelle oo qaaday tallaabo ka dhan ah Muqdisho

Axmed Geelle by Axmed Geelle
February 12, 2025
in Africa, News, Politics
0
HirShabeelle oo qaaday tallaabo ka dhan ah Muqdisho
0
SHARES
30
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Maamulka HirShabeelle ayaa maanta dhagax-dhigay soohdin kala qeybineysa gobolka Banaadir iyo gobolka Shabeellaha Dhexe, xuduudda labada gobol ayaa laga dhigay deegaanka Ceelcadde oo waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

HirShabeelle ayaa go’aan ku gaartay in aysan aqbali doonin in Muqdisho ku fido deegaano ka tirsan Sh/Dhexe, sidoo kale maamulkaas ayaa mamnuucay in iyadoo lasoo war-gelin aan soohdintaas lasoo dhaafi karin ajaanibta maalgashi doonka iyo injineerada dhulka cabira isugu jirta.

Masuuliyiin uu soo diray Cali Guudlaawe oo guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe uu hoggaaminayo, qeybna uu ka yahay guddoomiyaha degmada Balcad ayaa maanta Ceelcadde ka dhagax-dhigay aargo muujineysa in laga baxay Muqdisho oo gudaha loo galay Sh/Dhexe.

Tallaabada uu qaaday maamulka HirShabeelle ayaa ka dhalatay markii lagu dhawaaqay in Muqdisho cusub laga dhisayo inta u dhaxaysa degmada Warsheekh iyo degmada Gubadley ee gobolka Banaadir, sidoo kale la dhisayo garoon weyn iyo dekad ay magaaladaasi yeelaneyso.

Wax dood ah kama taagna socdaalka bulshada, balse HirShabeelle ayaa si cad u sheegtay inay diidan yihiin in masuuliyiinta dowladda federaalka ay deegaano ka tirsan Sh/Dhexe geeyaan xubno ajaanib ah, iyagoo qorsheynaya in halkaas ay ku balaariyaan Muqdisho, iyagoo sameynaya maalgashi.

Ma jiraan wax khilaaf ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen masuuliyiinta HirShabeelle, balse waxay cadeeyeen in wax tixgelin ah aan la siin oo iyadoo HirShabeelle aysan ka war heynin la doonayo in Muqdisho lagu balaariyo dhul ka tirsan Sh/Dhexe oo HirShabeelle ay maamusho.

“Maanta waxaan dhagax-dhignay xadeyn cusub oo kala qeybineysa Muqdisho iyo gobolka Sh/Dhexe, waxaan soo dhaweyneynaa hormarka laga sameyn doono aagga degmada Warsheekh, dalku wuxuu leeyahay hal dowlad, laakiin waxaan rabnaa in qof kasta Meesha uu masuul ka yahay lagu tix-geliyo,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/Dhexe korneyl Masdile.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in halkaas laga hirgeliyo saldhig Dayaxgacmeed oo dowladda Turkiga ay dhiseyso, balse HirShabeelle ayaa wax aan suurtagal ah aheyn ku tilmaantay in aan lala socodsiin waxa ka socda dhulka ay maamusho.

Previous Post

Somalia iyo Imaaraadka oo soo gabagabeeyay wadahadaladii Deyn Cafinta

Next Post

Sidee Maxamuud Cali Yuusuf uga adkaaday Raila Odinga

Next Post
Sidee Maxamuud Cali Yuusuf uga adkaaday Raila Odinga

Sidee Maxamuud Cali Yuusuf uga adkaaday Raila Odinga

RECOMMENDED NEWS

Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

10 months ago
Shuute “Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida guud ahaan waxa 2024 waxaa la horkeenay 2,597 Galdacwadeed oo loo xiray 2,966 Eedeysane”

Shuute “Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida guud ahaan waxa 2024 waxaa la horkeenay 2,597 Galdacwadeed oo loo xiray 2,966 Eedeysane”

1 year ago
DF oo sheegtay in ay kaalin ka qaadaneyso howlgallada ay Ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Bari

DF oo sheegtay in ay kaalin ka qaadaneyso howlgallada ay Ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Bari

1 year ago
Waa kuma ku-xigeenka hogaamiyaha Daacish ee ku dhintay duqeyntii Mareykanka ee Puntland

Waa kuma ku-xigeenka hogaamiyaha Daacish ee ku dhintay duqeyntii Mareykanka ee Puntland

1 year ago

FOLLOW US

BROWSE BY CATEGORIES

  • Africa
  • America
  • English
  • National
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Somali

BROWSE BY TOPICS

2018 League Balinese Culture Bali United Budget Travel Champions League Chopper Bike Doctor Terawan Gaza somalia Palestine ISIS Istana Negara Market Stories National Exam Puntland Shabab Somalia Turkey USA Visit Bali

POPULAR NEWS

  • Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

    Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • KENYA oo mar kale war xasaasi ah kasoo saartay madax bannaanida Soomaaliya

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Mucaaradka Samatabixinta Oo Guuldarro La Kulmaya, Dowladda Federaalka Oo Albaabada Ka Xirtay Faragelinta Dibadda

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Sacuudiga oo xukun dil ku fuliyey muwaadin Soomaali ah

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Madoobe iyo Deni “Waxaan rabnaa doorasho qof iyo cod ah”

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Contact Us: [email protected]

© 2025 MOL - News and Information MOL.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In

We are using cookies to give you the best experience on our website.

You can find out more about which cookies we are using or switch them off in .

No Result
View All Result
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion

© 2025 MOL - News and Information MOL.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00
Powered by  GDPR Cookie Compliance
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

Strictly Necessary Cookies

Strictly Necessary Cookie should be enabled at all times so that we can save your preferences for cookie settings.