Friday, March 20, 2026
  • Login
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion
No Result
View All Result
Muqdisho Online
No Result
View All Result
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Home Somali

KENYA oo mar kale war xasaasi ah kasoo saartay madax bannaanida Soomaaliya

Bashir Xuseen by Bashir Xuseen
June 30, 2025
in Somali
0
KENYA oo mar kale war xasaasi ah kasoo saartay madax bannaanida Soomaaliya
0
SHARES
260
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Dowladda Kenya ayaa mar kale ku celisay inay si buuxda u aqoonsan tahay madax bannaanida Soomaaliya, waxaana meesha ay ka saartay wararka sheegaya inay waddo dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Soomaaliya, kadib xiriirkeeda Somaliand.

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale ayaa hadalkan ka dhawaajiyay, xilli uu Sabtidii ka qayb-galayay xuska sanad guuradii 65-aad ee Xorriyadda Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi.

Aadan Barre Ducaale ayaa si weyn carrabka ugu adkeeyay in Kenya ay si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda.

Sidoo kale wuxuu bogaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aadan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isaga oo u rajeeyay inay mar uun ka adkaan doonto argagixisada,

“Waxaan si buuxda u aqoonsannahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana taageersanahay dhammaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi. Kenya waxay bogaadinaysaa dadaalka Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha kala guurka ah ee ATMIS ilaa AUSSOM.” ayuu yiri Aadan Barre.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in xukuumadda Nairobi ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka kala dhexeeya Muqdisho, maadaama ay wadaagaan xuduud dheer, ayna leeyihiin xiriir iskaashi oo dheef-wadaag ah.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Kenya ay diyaar u tahay in lasii ballaariyo iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal, si ay u kala faa’iidaan labada shacab.

“Xilli Soomaaliya ay u dabaal-degto guushan taariikhiga ah, waxaan muujiyay diyaar-garowga Kenya ee ku aaddan iskaashi ku saabsan horumarinta dhaqaalaha badda (Blue Economy), xoojinta xiriirka dadweynaha, iyo wadajirkeena ku aaddan hormarinta nabadda, la-dagaallanka isbeddelka cimilada, iyo horumar waara — heer gobol iyo caalami ahba,” ayuu mar kale yiri Ducaale.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii dambe uu sii xoogeysanayay xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Somaliland, waxaana arrintaan ay keentay in todobaadkan ay Somaliland magacowday ‘safiir u fadhin doona gudaha magaalada Nairobi’.

Si kastaba ha’ahaatee, Magacaabistiisa ayaa timid ku dhowaad bil kadib markii madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu booqasho ku tagay dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madax kala duwan oo uu ku jiro Madaxweyne William Ruto.

Previous Post

Mucaaradka Samatabixinta Oo Guuldarro La Kulmaya, Dowladda Federaalka Oo Albaabada Ka Xirtay Faragelinta Dibadda

RECOMMENDED NEWS

Erdogan oo Soomaaliya ugu abaal guday ‘bilad sharaf’

Erdogan oo Soomaaliya ugu abaal guday ‘bilad sharaf’

1 year ago
MW Xasan “Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad”

MW Xasan “Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad”

1 year ago
Shabaab nolosha lagu qabtay iyagoo dagaalamaya

Heavy Fighting Erupts in Hiiraan as Somali Forces Clash with Al-Shabaab

1 year ago
MW Xasan Sheekh oo booqday dhaawacyada CXDS

MW Xasan Sheekh oo booqday dhaawacyada CXDS

1 year ago

FOLLOW US

BROWSE BY CATEGORIES

  • Africa
  • America
  • English
  • National
  • News
  • Opinion
  • Politics
  • Somali

BROWSE BY TOPICS

2018 League Balinese Culture Bali United Budget Travel Champions League Chopper Bike Doctor Terawan Gaza somalia Palestine ISIS Istana Negara Market Stories National Exam Puntland Shabab Somalia Turkey USA Visit Bali

POPULAR NEWS

  • Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

    Faarax Cabdulkaadir oo Joojiyay Shir, NISA-na u Adeegsaday Jirdil

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • KENYA oo mar kale war xasaasi ah kasoo saartay madax bannaanida Soomaaliya

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Sacuudiga oo xukun dil ku fuliyey muwaadin Soomaali ah

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Mucaaradka Samatabixinta Oo Guuldarro La Kulmaya, Dowladda Federaalka Oo Albaabada Ka Xirtay Faragelinta Dibadda

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Gud. Amiir oo amar hore looga bartay Madaale dul dhigay..

    0 shares
    Share 0 Tweet 0
  • Advertise
  • Contact
  • News in English
  • Somali
  • Africa
  • Politics
  • Opinion
Contact Us: [email protected]

© 2025 MOL - News and Information MOL.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In

We are using cookies to give you the best experience on our website.

You can find out more about which cookies we are using or switch them off in .

No Result
View All Result
  • Home
  • ENGLISH
  • News
  • Politics
  • Business
  • Opinion

© 2025 MOL - News and Information MOL.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00
Powered by  GDPR Cookie Compliance
Privacy Overview

This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

Strictly Necessary Cookies

Strictly Necessary Cookie should be enabled at all times so that we can save your preferences for cookie settings.