Muqdisho Online, Juun 21, 2025 – Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Cabdulkaadir, ayaa si toos ah u faray in la joojiyo shir beeleed ay beesha Reer Aw Xasan ku yeelanaysay Hotel Ramada oo ku yaalla caasimadda Muqdisho. Shirkaas oo si nabad ah ku socday ayaa la sheegay in lagu qabanqaabinayay si ay beesha uga arrinsato xaaladda siyaasadeed, amniga deegaanka iyo aragti mideysan oo ay ku wajahaan doorashooyinka deegaanka ee la filayo in laga qabto gobolka Banaadir.
Si lama filaan ah ayay goobta kusoo baxeen ciidamo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaas oo amar ku fulinayay sida la sheegay toos uga yimid Wasiir Faarax Cabdulkaadir. Ciidamadan ayaa joojiyay kulankii, waxayna jirdil, aflagaado iyo cabsi gelin u geysteen odayaal dhaqameedkii goobta ku sugnaa, kuwaasoo qaarkood dhaawacyo fudud soo gaareen. Waxaa kale oo dhacday in qaar ka mid ah odayaasha si khasab ah hotelka looga saaray iyaga oo aan wax sharci ah lagu haysan.
Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in Wasiir Faarax uu adeegsanayay awood siyaasadeed oo ka baxsan waajibaadkiisa wasaaradeed, isagoo adeegsanaya awoodda NISA oo uu xiriir dhow la leeyahay Agaasimaha hay’addaas, Mahad Maxamed Salaad. Dad badan oo siyaasadda la socda waxay arrintan u arkeen mid ka tarjumaysa sida dowladda Federaalka ay gacanta ugu gashay koox gaar ah oo adeegsanaya hay’adaha amniga si ay u caburiyaan shakhsiyaad iyo beelo aysan siyaasaddooda raalli ka ahayn.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga carooday dhacdadan, iyagoo ku tilmaamay mid muujinaysa kaligii talisnimo cusub oo kasoo ifaysa xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud. Sida ay dadka qaar u arkaan, tani waa tillaabo lagu muquuninayo beelaha Soomaaliyeed laguna kala dilayo odayaasha dhaqanka, kuwaas oo muddo dheer ahaa tiirarka nabadda iyo wadajirka bulshada.
Odayaal ka tirsan beesha Reer Aw Xasan oo kulanka ka qayb galay ayaa si adag u cambaareeyay falka lagu joojiyay shirka. Mid ka mid ah odayaasha oo dhaawac fudud kasoo gaaray weerarka ayaa yiri: “Annagu kuma aanan jirin wax kicin ah. Waxaan isugu nimid si dhaqameed oo beeleed. Waa wax lala yaabo in nin wasiir ah u adeegsado ciidan qaranka arrimo beeleed. Waa dagaal siyaasadeed oo foolxun.”
Dadka u dhuun daloola arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in falalkan ay dhaawacayaan sumcadda dowladda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka. Waxaa la tilmaamay in hay’adaha dowladda gaar ahaan NISA laga dhigay aalad gaar ah oo lagu weeraro dad aan wax dambi ah lahayn. Arrintan ayaa u muuqatay qorshe la sii diyaariyay, iyadoo laga faa’iideysanayo xiriirka qabiilka, awoodda xafiisyada dowladda iyo awoodda sirdoonka.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah ayaa sheegay in arrintan ay tahay calaamad muujinaysa in dowladda dhexe ay u dhaqmeyso si ka fog dastuurka iyo nidaamka dimuqraadiyadda. Waxaa la is weydiinayaa sababta Wasiirka Waxbarashada – oo aan xitaa haynin awood amni – uu awood ugu yeeshay inuu ciidamo u diro si ay u joojiyaan shir dhaqameed, halkii ay ahayd in arrimaha waxbarashada uu ka shaqeeyo.
Bulshada rayidka ah iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay golaha shacabka, xeer ilaaliyaha guud iyo madaxda hay’adaha amniga in ay si degdeg ah u baaraan dhacdadan. Waxaa laga digay in haddii ficilladan oo kale la iska daawado, ay horseedi karaan kalsooni darro baahsan oo bulshada dhexdeeda ah iyo burbur ku yimaada xiriirka u dhaxeeya shacabka iyo dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ilaa hadda kama uusan hadlin dhacdadan. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal badan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu indhaha ka laabanayo ficillada xukuumaddiisa ee ka baxsan nidaamka dowladnimo. Waxaa la sheegay in hadal la’aanta Madaxweyne Xasan Sheekh ay sii hurinayso dareenka shacabka ee ah in dowladda Federaalka ay u dhaqmeyso si kaligii taliye ah oo aan xisaabtan jirin.
Dhacdadan ka dhacday Hotel Ramada ayaa noqotay mid si weyn loogu hadal hayo gudaha magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay baraha bulshada ku muujiyeen dareenkooda caro leh iyo cabsi ay ka qabaan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Shacabka iyo madaxda dhaqanka waxay si isku mid ah uga digeen in ficilladan ay sii bataan, waxayna ugu baaqeen in la ilaaliyo sharciga, dastuurka, iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed. Dhacdadan ayaa la filayaa inay abuurto muran siyaasadeed oo hor leh iyo in cadaadis lagu saaro dowladda si ay ula timaado jawaab cad iyo tallaabo dhab ah oo lagu xaqiijinayo in hay’adaha dowladda aan loo adeegsan dano gaar ah.






