Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ah dallad ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda federaalka, ayaa shuruud adag ku xirtay ka qaybgalka gogol wadatashi ah oo uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen siyaasiyiintaasi, kaddib shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayay ku muujiyeen in—inkasta oo ay soo dhaweeyeen baaqa Madaxweynaha—ay ka qaybgalka gogoshaas ku xireen dhowr shuruudood oo ay adag tahay in si buuxda loo fuliyo.
Qodobka ugu horreeya ee ay mucaaradku ku xireen ka qaybgalka wadahadalka ayaa ah “in gogoshu noqoto mid dhab ah oo lagu raadinayo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka iyo doorashooyinka labada heer ee federaalka iyo dowlad-goboleedyada”.
Si kastaba ha ahaatee, sida uu sheegay Senator Iftin Xasan Baasto oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, “dib-u-eegistii lagu sameeyay dastuurka marnaba lama gali karo gorgortan, maadaama baarlamaanku si aqlabiyad leh u ansixiyay.”
“Dastuurkii hore laguma noqonayo. Isbeddelka dastuurkana waxaa lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh, 253 xildhibaan ayaa oggolaaday,” ayuu yiri Senator Baasto.
Senator Baasto ayaa sidoo kale meesha ka saaray suurtagalnimada in dood cusub laga furo doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay dowladda jadwalka u dejisay.
“Xeerkii doorashooyinka wuu ansaxay. Waxa keliya ee bannaan waa inaad xisbi ka mid noqotaa, doorashadana aad gashaa adigoo shacabka cod weydiisanaya,” ayuu raaciyay.
Gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa timid maalin uun kadib markii magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir socday dhowr maalmood, oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu cadcad ee kasoo horjeeda in dalka laga qabto doorasho aan la isla meel dhigin.
Mursal Maxamuud Saney, Agaasimaha Machadka Cilmi-baarista Heritage oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in sababta uu Madaxweynaha markale u gogol fidiyay ay tahay inuu dareemay culeys siyaasadeed oo isa soo taraya.
“Waxaan is leeyahay baaqa Madaxweynaha ee gogosha cusub iyo waqtiga uu ku dhawaaqayba waa mid bogaadin mudan, waana mid ay shacabka Soomaaliyeed soo dhaweeyeen. Waxaan aaminsanahay inuu go’aankaas ku qaatay cadaadis uga yimid mucaaradka, kuwaasoo markii ugu horreysay muujiyay dhiirranaan siyaasadeed. Tani waa arrin yididiilo leh oo mudan in la dhiirrigeliyo, waana wax hore loogu baahnaa in talada dalka la isugu yimaado,” ayuu yiri.
Mursal Saney ayaa intaas ku daray in aysan ku filnayn oo kaliya inay gogosha ka qaybgalaan dhinacyada siyaasadda ku loollamaya, balse loo baahan yahay in la ballaariyo wadatashiga.
“Dhibaatooyinka aynu wajahno haddaan nahay Soomaali, ma aha kuwo lagu xallin karo dowladda iyo mucaaradka oo keliya. Waxaa lama huraan ah in gogosha la ballaariyo, si ay uga qaybgalaan qaybaha kale ee bulshada. Waxaa jira dad badan oo ka maqan talada dalka—culimo, ganacsato, iyo bulshada rayidka ah—kuwaasoo ay ahayd inay safka hore ka fadhiyaan gogosha. Dadkaas waa in la geliyo geeddi-socodka siyaasadeed,” ayuu yiri.
Shuruudaha ay mucaaradku ku xireen ka qaybgalka gogosha ayaa waxaa ka mid ah qodobo ay dadka qaar u arkeen kuwo caqabad ku noqon kara in si degdeg ah loo gaaro heshiis, maadaama ay isku xiriyeen arrimo u baahan in si gaar gaar ah loo eego.
Maxamed Nuur Qalimow, oo ah falanqeeye si dhow ula socda arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegay in shuruudaha mucaaradka ay yihiin kuwo u baahan in la kala saaro, haddii la doonayo in wax la iska weydaarsado.
“Shuruudaha mucaaradku waxay u muuqdaan in ay yihiin dabar siyaasadeed oo cusub. Haddii aan qodobo ka mid ah la kala furfurnaan, waxay noqon karaan caqabad hor leh. Tusaale ahaan, dib-u-eegista dastuurka waxaa loo maray hannaan sharci ah. Haddii la rabo in mar kale lagu laabto, waxaa loo baahan yahay in la maro isla jidkii hore. Arrintaasi ma aha mid fudud,” ayuu yiri Qalimow.
Sidoo kale, ayuu xusay in ka qaybgalka dhammaan dowlad-goboleedyada aan la heli karin ilaa laga xalliyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo Jubbaland, gaar ahaan marka la eego amarka maxkamadeed ee dul hogganaya Axmed Madoobe.
“Ka hor inta aysan Jubbaland ka qaybgeli karin wadatashiga, waxaa loo baahan yahay in la gaaro heshiis rasmi ah oo lagu xallinayo is-mari waaga u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland,” ayuu raaciyay.
Inkastoo mucaaradku soo bandhigeen shuruudo adag oo ku xiran gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, haddana falanqeeyayaal qaar ayaa qaba in shuruudahaasi u muuqdaan kuwo hordhac ah, maadaama gogoshu ay tahay mid loogu talagalay in lagu wajaho khilaafaadka taagan, isla markaana lagu raadiyo xal loo dhan yahay.