Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa amar yaab leh, oo dadka qaar u arkeen mid halis ah ku soo rogay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka.
Amiir ayaa farriin rasmi ah u diray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, isagoo ku wargeliyay qabanqaabada banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish.
Banaanbaxa ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta Isniinta, 17-ka Febraayo 2025, saacaddu marka ay tahay 8:00 subaxnimo, waxaana la qorsheeyay in lagu qabto Barxadda Taalada Daljirka Dahsoon, haddii aanay ka hor wax is-beddelin.
Amarka Amiir
Sida ku cad qoraal uu guddoomiyuhu u diray guddoomiyeyaasha degmooyinka, oo ay heshay MOL tirada ka qeybgalayaasha ee laga filayo degmooyinka gobolka ayaa loo kala saaray laba qeybood:
Degmooyinka waaweyn sida Wadajir, Kaxda, Dharkeynley, Deyniile, Howlwadaag, Hodon, Yaaqshiid, Warta Nabadda, Kaaraan, iyo Heliwaa, waxaa mid kasta laga rabaa inay soo hogaamiyaan 500 qof.
Degmooyinka yar-yar sida Shingaani, Xamarweyne, Cabdicasiis, Bondhere, Waaberi, Xamar Jajab, Shibis, Garasbaaley, Daarusalaam, iyo Guulwade, waxaa mid kasta laga rabaa inay keenaan 300 qof.
Arrintan ayaa waxaa culeys weyn ku tilmaamay guddoomiyeyaasha, maadaama ay adag tahay in ay soo ururiyaan tiro dad ah oo intaas la eg, sida ay yiraahdeen, si gaar ahna, marka la eego in shacabka ay ka baqayaan ka qeyb-galka dibad-baxyada ka dhanka ah argagixisada.
Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha ayaa sheegay in aysan u hoggaansami doonin amarkan, mana cadda in dibad-baxa uu qabsoomi doono iyo in kale.
Guddoomiye Amiir ayaa tan iyo markii la magacaabay horraantii December, wuxuu waqti badan ku bixiyey dhacdooyin u muuqda in uu sare ugu qaadayo muuqaalkiisa, isaga oo booqashooyin badan ku tegay meelaha dadka isugu yimaadaan ee Muqdisho, ama qabtay xaflado loo sameeyey dad caan ah. Balse shacabka caasimadda ayaa weli sugaya in wax laga qabto dhibaatooyinka nololeed ee ay wajahayaan, si gaar ahna nadaafadda, lacago joogto ah oo lagu soo rogo, iyo amniga.