Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxaa ay Puntland isaga fogeysay hadal kasoo yeeray wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Yacquub Maxamed Cabdall oo shaaciyay in ay soo dhaweynayaan qaxootiga Falastiin, isaga laakiin shuruud ka dhigay haddii ay si iskood ah uga soo tageen magaalada Gaza.
Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph in dawlad-goboleedku ay ku farxi doonto inay martigeliso qaxootiga reer Gaza, haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan.
“Marka hore, waxaan kuu sheegi karaa in Puntland ay ku taal geeska Afrika, Falastiinna ay ku taal Bariga Dhexe. Ma jirto sabab qof looga soo eryo dalkiisa loona geeyo dal kale iyadoo qofkaasi uusan dooran inuu guur”.
Laakiin wuxuu soo dhoweeyay dhaq-dhaqaaqa xorta ah. “Taasi dhib ma leh,” ayuu yiri. “Waan soo dhoweyneynaa waqtigaas, waana iyadoo la eegayo sharciga caalamiga ah.”
Wasaaradda warfaafinta ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi aanu ka tarjumeynin Puntland, isla markaana uu keli ku yahay wasiirka sheegay, iyada oo sheegtay inay tahay aragtidiisa shaqsiyadeed.
Sidoo kale waxa ay wasaaraddu intaasi kusii dartay inay ixtiraameyso xuquuqda ay reer Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda.
“Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.