Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa maanta dil ku fulisay nin Soomaali ah oo ka mid ahaa 45 maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu helay dambiga ah in ay dalka Sacuudiga galinayeen mukhaadaraad ama daroogo.
Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga ayaa VOA u xaqiijiyay in maxbuuskaas maanta la dilay. Wuxuu sheegay in go’aanka lagu toogtay mid ka mid ah maxaabiistii Soomaaliyeed uu la yaab ku noqday.
Xasan Xuseen Yuusuf, oo adeer u ah ninka maanta Sacuudiga lagu toogtay, ayaa sheegay in wiilkooda uu la soo xiriiray, isagoo u sheegay in la dilayo oo uu tiirka ku xiran yahay. Wuxuu sidoo kale codsaday in la cafiyo, hooyadiisna lagu salaamo.
Maxaabiista kale ee Soomaalida ah ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday in laga badbaadiyo xukunka dilka ah ee lagu riday, maadaama maanta la toogtay mid ka mid ah.
Maxaabiistan oo tiradooda lagu sheegay ilaa 50 qof ayaa xilliyo kala duwan lagu qabtay Sacuudiga, iyagoo lagu eedeeyay inay dalkaas soo geliyeen maandooriye.
Ehellada maxaabiistan ayaa sheegay in dhalinyaradan, oo qaarkood tahriib ku galay Sacuudiga iyagoo sii maray Yemen, lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas.
Sanadkii 2024, Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay in ka badan 300 qof, taas oo muujineysa in boqortooyadu ay sii waddo fulinta xukunnada dilka ah ee la xiriira dambiyada maandooriyaha iyo kuwa kale.
Maxaabiista Soomaalida ah ee weli ku xiran Sacuudiga ayaa codsaday in dowladda Soomaaliya ay u soo gurmato si loo khafiifiyo xukunnada dilka ah ee lagu riday, maadaama lagu khiyaameeyay inay maandooriye geliyaan dalkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey u qaaday tallaabooyin lagu doonayo in lagu caawiyo muwaadiniinta ku xiran xabsiyada Sacuudiga, iyadoo la rajeynayo in dadaalladaasi ay sii socdaan si loo badbaadiyo nolosha maxaabiistan.