Zamzam I. Cali oo noqotay Senatar-kii u horeeyay oo laga soo doorti DGKG

Reading Time: < 1 minute

Doorashada Aqalka Sare oo ka socotay magalaagada Baydahabo ayaa Kursiga koowaad ee doorashada ee maanta la qabtay waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan oo ka mid ahaa musharixiintii uu horey loo shaaciyey madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Doorashadan oo ay  goobjoog  ka ahaayeen  xubno ka socda guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka heer federaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamilka Koonfur Galbeed.Guusha ayaa waxa ay raacday Zamzam Ibrahim Cali oo 81 cod heshay , halka  4 cod oo kaliya ay heshay masharrax Shariifo Xaji Cusmaan oo la tartameysay, waxaana sidoo kale hallaabay illaa 7 cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!