MOL waxay mid mid u dabagali doontaa kooxda munaafiqiinta ah ee hunguri ku noolka ah iyo Shakhsiyaadka Liita ee ay tahay in la ogaado mar waliba.Waa dhab iimaanka iyo Dadnimada iibsi ma galaan la ismana amaahin karo waa wax uu Ilaahay qofkuu raba siiyo. Muddo waa la is dulleyn karaa laakiin waqtiga oo xaasid ah wuu ku soo garba duubi oo adigoo dhab ah ayaad soo bixi haddadan ka hor dhiman. Runtii ma jecleyn inaan shakhsiyaad ka hadlo laakiin caawa ayaan waxaan soo dhageystay codad uu darawalkii na waday uu ka daaray gaarigii uu nagu waday, isagoo la yaaban shakhsiga hadlayaa iyo sida uu u hadli jiray.
Kadib inta aan seexan ayaan darawalkaas garashadisa ka baawsaday in ay waddaniyiinta nagu yar yihiin oo aan dhuuni qaatayaal u badan nahay, kadiba ayaan qalinka iyo waraaqda isa saaray. Waxaan jecleytay bal inaan taariikhda iyo raadka ugu yaalla aan gadaal u raaco shakhsiyaadka qaar.
Xildhibaan Zakariye Xaaji waxaan u haysan jiray inuu yahay waddani biyo kama dhibcaan ah oo waliba Itoobiyaanka aad u neceb, una haysta inaysan dad ahayn. Zakariye waxaa uu meel walba la taagnaan jiray booyid, waxaana laabta ka jecleysan jiray haddallada uu ku hadli jiaray oo aan run moodi jiray.
Maanta waxaa aniga iyo shacbiga Somaliyeed noo caddaaneysa inuu yahay caadeqaate hunguri ku shaqeeya oo aan dal iyo dad Somaliyeed midna dan ka lahayn. Zakariya waxkasta oo laga sheegaa ma kala jecla saa damiir dadnimo ayaa wax dila, ceebtana ka fogaada, hasa yeeshee Zakariye intaasba ma karaan.
Waa ninkii maalintii doorashada na hiyi kiciyey oo ina lahaa war qalinkiinna ku xoreeya dalka oo Itoobiyaanka ina dhex fadhiya u sheega inaad tihiin xor, hasa yeeshee markii u tagay Asmara ee uu Farmajo raacay gacantana ka soo dhunkaday Afawerki ayuu noqday qof kale miyaa? Mayaa waligiiba waah aa beenlow huguri doon ah, waxaana ku filaatay dhadhama yar oo uusan xaq u lahayn balse si loo aamusiiyi loo qoray mushaar joogto ah, kaas oo keenay inaad ku yaqyaqsooto waxa afkiisa ka baxaya .
Waxaa uu ilaabay inuu u qiilsameeyo “Somalida Cusub” Waxa ay ula baxeen kooxda rabtaa in Somaiya la hoos geeyo Itoobiya. Waan cabsadaa markaan maqlo erayadii ay shalay ku hadaaqi jireen Zakariye, Tarzan, Jeesow iyo Yariisow oo haddana maanta aan arko iyagoo si kaa yaabisa u hadlaya. Raggu isma maqla miyaa misa waa meyd socda oo taariikhdoodii hore ma dhageysan karaan.
Bal ila dhageysta daalimkaan khaa’inka ah ee laba wajiilaha ah waxa uu ku hadli jiray.