Mudooyinkii ugu danbeyay waxa dilal qorshaysan ay ka dhacayeen qeybo kamid ah degmooyinka gobolka banaadir waxana arintaasi ka hadlay Gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Madaaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah ay dhex marto laamaha amniga ee ka hawlgala 17 degmo ee Gobolka banaadir.
Yuusuf Madaale ayaa shegay in dilalka iyo qaraxyada Ka dhaca Magaalada ay ugu wacan tahay wada shaqeyn xumo ka dhaxeyso askarta iyo Shacabka ku nool magaalaada.
Waxa uu sheegay Madaale in loo baahan yahay in ay wada shaqeeyaan laamaha amniga Gobolka iyo shacabka si ay u yaraato nabad galyo xumidda ka jirta magaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Muqdisho aya magan galisay Bilooyinkan Dilal qorsheyan iyo weeraro dhaca iyado inta badan kooxaha dilalka geysta ay baxsadaan.