Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa uu xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Cabdi Hagar (Yuusuf Dabageed) kaasi oo xilka Dhowr jeer oo hore soo qabtay.
Waareeysi gaar ah oo uu siiyay Idaacad Muqdisho ku taala ayuu ku sheegay in xilkaasi loosoo magacabaay oo qaatay islamarkaana ayna aheeyn markii ugu horeeysay oo la magacaabayo balse dhowr jeer oo hore uu xilkaan soo qabtay.
Bulshada Reer Hiiraan ayuu sheegay in ay aad isku garanayaan taasna uu rajo-wanaagsan ka qabo in uu kasoo dhalaalo xilkaasi loo magacabaay.
Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu yeeshay mudo kooban dhowr gudoomiye,waxaana Gudoomiyaha hada xilka laga qaaday uu xafiiska joogaa 5-Bilood oo kaliya