Wararka ka imaanaya Magalaada Baladweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa ku waramaya in Muran Xoogan uu ka taagan yahay Maaliyadda Gobalka Hiiraan oo uu Muddooyinkii danbe sida la sheegay uu isku kaliyeelay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), arintaas oo saameynteeda aad looga dareemay Gobalka.
Madaxweyne Maxamed Cabdi waare iyo Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle ayaa Gudoomiye Yuusuf Axmed Hagar Dabeed ku armay in uu soo wareejiyo Dhaqaalaha Gobalka Hiiraan si qiimeyn loogu sameeyo taas waxaa ka dhaga adeegay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.
Muranka Maamulka Maaliyada Gobalka Hiiraan oo xiisad ka dhex kiciyay maamulka Gobalka Hogaanka sare ee Hirshabeelle ayaa waxaa faragalin deg deg ah ku sameeyey Ciidamada AMISOM kuwaasi oo maanta isku gadaamay Xarunta.