Waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo sidoo kale ku xigeenkiisa dhanka ammaanka C/raxiin Muxummad Taakooy.
Guddoomiye Taakoy ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiye Dabageed uu ka horyimid nidaamka dowliga ah, islamarkaana uu yahay kaligii taliye waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka in guddoomiyaha Hiiraan aanu dooneyn shaqada in lala wadaago, wax walbana uu ammarkiisa ku rabo in lagu hago.
Gudoomiye Ku xigeenka amniga Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay nidaamka Maamulka inuusan ku shaqeynayn kali talisnimo, loona baahan yahay in shaqada la wadaago.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa muddooyinkii dambe wuxuu waday soo saarista awaamiir kala duwan oo ku saabsan shaqada Gobolka.
Guddoomiye Dabageed weli kama aanu hadal waxa ka jira khilaafkan kala dhaxeeya ku xigeenkiisa