Yusuf Garaad oo ugu baaqay MW Farmaajo in uu joojiyo siyaasadda burburinta Dowlad Goboleedyadda

0

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Yusuf Garaad Cumar oo waqtiyan danbe  si  furfuran uga hadlay siyaasadda Soomaaliya  ayaa ugu baaqaday Madaxweyne Farmaajo in uu joojiyo siyasadda ku saleysan burburinta ee uu la yimaado siyaasad ka la taabaqaadi garto xaalada dalku maraayo.

Qoraalo isdaba jooga ah oo uu soo dhigay barihiisa Bulshada ayuu ku sheegay in MW Farmaajo looga fadhiyo in uu keeno caqli iyo siyaasad ka baxsan qasab iyo juujuub uu ku hayo Dowlad Goboleedyadda. Waxa uu intaas uu ka daray in ayan Soomaaliya horay u socon karin  hadii aan la helin Dowlad Goboleedyadda. Waxa uu yiri “Heshiis iyo jujuub mid ay noqotaba, Dowladda #Somalia waxaan uga fadhinnaa in sida Baarlamaanka oo kale ay u soo celiso wadashaqeynta hakatay ee kala dhexeysa Dowlad Goboleedyada oo aan la’aanteed dalku hore u tallaabsan karin”

Hadalada ka soo yeeray Wasiir Yusuf Garaad ayaa ah kuwa ka tarjumaya dareenka ka jira dalka gaar ahaan deeganada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here