Yusuf Dabageed oo caawa u sheegay beeshiisa in uu taageero ka haysto DFS (Xog)

Kulan caawa ka dhacay magalaada Baladweyne oo dhex maray Yusuf Dabageed iyo odoyaasha dhaqanka ee beesha uu ka  dhashay ayaa looga hadlay dhibkii maanta ka dhacay kala-beerka iyo sidii xaalada loo qaboojin lahaa si aan dhiig kale u daadan.

Yusuf Dabageed ayaa sheegay in isaga laga gardaran yahay danbigana uu leeyahay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare maadamaa sida uu hadalka u dhigay “si sharci daro ah” shaqada looga  ceyriyay.

Yusuf Dabageed oo ah qof aan wax qarin ayaa caawa u cadeeyay odoyaasha dhaqanka in uu taageero buuxda ka haysto madaxda dowlada Fedaraalka. Isaga oo is difaacayo ayuu yiri “….. hada ma waxa ay idinla tahay in talaabooyinka aan qaaday ay tahay mid aniga igu kooban, madaxda qaranka waa ay ila ogtahay taageero buuxda ayaana ka haystaa ee yaan qalbi jileec idin galin”.

Hadalka ka soo yeeray dabageed ayaa cadeeynayo in qalalaasaha ka jira Gobolka Hiiraan uu yahay mid ay soo abaabushay Dowlada Federaalka. Dhanka kale qaar ka mida Golaha Wasaiirada ee Xukuumada Fedaraalka ayaa waxa ay bilaabeen in ay qaadka taleefanka kula hadlaan odoyaasha dhaqanka ee deegaanka iyo waxgaradka iyaga oo u sheegayo in ayan faraha la galin colaada u dhaxeysa Waare iyo Dabageed.

Mid ka mida odoyaasha ka soo jeeda Jufada Cali Madaxweyne ee uu ka dhashay Yusuf Dabaged ayaa sheegay in sadax wasiir oo ka tirsan dowlada ay soo wacday iyaga oo ku boorinayo in uu ka soo horjeesto Madaxweyne Waare. Waxa uu yiri “mid aan abti u ahay waxa uu igu yiri, ina Cabdi Waare waa tagay ee yuusan ku salfan ee ka har”.

Waxaa iska cad in Farmaajo iyo Kheyre ka go’an tahay in ay burburiyaan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyaga oo aan u aaba yeelaynin dadka ku dhimanaya colaada iyo dhibaatada laga dhaxli karo burburka Hirshabeele. Madaxweyne Waare ayaa ku maqan dalka dibadiisa lana filayo in uu dhawaan ku soo noqdo dalka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here