Yoweri Museveni :-’’Farmaajo 4-jeer ayuu Been Noo sheegay ma Aamini Karno Sidaa Daraadeed waa Inaan ka Qaadano Go’aan Mid ah’’

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dalka Uganda ayaa sheegay in ayna Jirin Aaminaad kale oo u hartay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo islamarkaana ay Doonayaan in ka Qaataan Waqtigaan Go’aan Mid ah oo la Xariira Sii Joogi taanka Ciidamada Midowga Afrika Ee Amisom

Yoweri Kaguta Museveni  Madaxweynaha Dalka Uganda  Ayaa qabanqaabinaayo Shir ay iskugu imaan doonan  Madaxda Dalalka Ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya islamarkaana ku Mideeysan Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika Ee Amisom kaasi oo looga hadli Doono Sii joogitaanka Ciidankooda iyo Aaminida Hadalad isburinaayo Ee Madaxda Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya

Shirka Waxaa ka qeeyb galaya wakiillada Guddiga Midowga Afrika, Xoghaynta Qaramada Midoobay, Guddiga Midowga Yurub, Ururada Gobolka  Sida Igad iyo wakiillo ka socda Xubnaha Joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee QM,waxaana aan lagu Casuumin Shirkaan Madaxda Dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo R/wasaare Xassan Cali kheeyre ayaa Dhowr jeer ku hadlay Hadalo isburinaayo kuwaasi oo la Xariira Go’aankooda Ciidamada Amisom waxaana Madaxweyne Farmaajo Mar sheegay in ay ka Maarmayaan Ciidanka Amisom Halka Kheeyre Yiri’’Waan Sii daneeyneeynaa Amisom in ay dalka sii joogaan’’

Madaxweynaha  Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni  oo ka mid ah Madaxda Shirkaasi oo Furmaya 2-Bisha Mach 2018 ka hadli doonta ayaa sheegay in aysan aamineeynin Madaxda Dowlada Soomaaliya Hase’yeeshee ay doonayaan in ay Go’aan cad ka qaataan

Sidoo kale waxaa uu Yoweri Kaguta Museveni   soo hadal qaaday Ciidamo gaar ah oo uu Sameeysanaayo Madaxweyne Farmaajo Kuwaasi oo la Yiraahdo’’ISTICSAAM’’taasina ay wiiqi kareeyso dadaalada Nabadda Ee Soomaaliya sida uu mar kale sheegay

Waxaa Dalalka Caalamka iyo Soomaaliduba la yaaban yihiin Habka Maamul Ee Madaxweyne Farmaajo waxaana laga cabsi qabaa in dalka ay ku rido Dowladiisu god ay adkaan doonto sida looga soo baxo,hadii Anan Xildhibaanadda baarlamaanka oo Umadda Matalo aysan qaadan Go’aan la Xariira Arimahaan Foosha Xun