Yaa Doorashaba u Socda? Bal sii Ogow Halka Dalka loo wado

Reading Time: 2 minutes

Maanta cid kasta waxaa u muuqata Meesha ay doorashadii u socoto taas  oo ah ‘I jiid aan ku jiidee’ si dadku ay u daalaan, waxaana mar horaba si cad looga arki karaa Mucaridka oo wax walba oo khaldan hambalyo la soo boodayo iyagoon ka fiirsan cawaaqibxumada ay dalka ula imaneyso, kuwaas oo ku dambeeyey nin walbow naftaa Nabiyow ummaddaa.

Waxaa la yaab leh in aysan cidi ka qarsooneyn doorashada ha la boobo marka al yiraahdo cidda ay xaaraanta iyo boobka ugu badiso, taas oo ah Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo kooxdiisa oo u haddaba ugu soo baxay kursigii ugu horreeyey ee Golaha shacbiga ninkii lahaa “waa inaan Farmajo ku soo saarnaa wareegga koowaad”, Mahdi GUleed “Yatakabaruu” kaas oo si aan kala har lahayn ay ugu hambalyeeyeen kooxda ku qaraabata magaca mucaarid oo shacbiga indhaha ka ridday si aan loo helin mucaarid run ah oo dalka ka badbaadiya masiibadaan.

Tallaabooyinka is xigxigay ee tododbaadkaan dhacay waxay muujinayaan in Farmajo iyo kooxdiisa oo uu Rooble gadaal kaga daboolan yahay ay ku socdaan waddadoodii caddeyd ee ah:

  1. In doorashada la lug jiido ilaa Febaraayo si aan odayaasha Meesha uga tagin ka hor markaas oo uu Farmajo qarxin doono qorashahiisa.
  2. In lagu mashquulo magacaabisyo iska horimanaya oo qofba meel geysto cidda uu rabo ama cidda uu wax la cuni karo.
  3. In meel la iska dhigo Dacwaddii Ikraan oo aan mar akle lagu mashquulin, maadaama ay lugaha la gashay madaxda ugu sarreysa dalka iyo Milkiilaha dowladda Mudane Fahad Xaaji yaasiin Dahir
  4. Gobolka Banaadir oo weerarro af maran lagu qaado, si aan loo fahmin boobka dhulalka iyo hantida dowladda taas u eg in laga qaado Cumar Finish mar  haddii Faramjo iyo Reerkiisa ay ka dhameysteen oo ay ka saxeexedeen dhulalkii ay rabeen ee magaalada Muqdisho hadda waxaa loo diray koox wasiirro lagu kalsoon yahay inay keeni doonaan waxa la rabo iyo Hantidhowraha oo wax la ogyahay la yiri soo baara.

Dhinaca kale , Si dabka baxaya basin loogu sii shubo  oo ay doorashada jidka uga sii lunto waxaa la bilaabay in la isku qabqabsado Mahadi Yatakabaruu oo markii horaba malxiis looga dhigay qof la ogyahay  inay u tahay gabar hiil iyo caana madaadiso u ahayd, iyadoo koox indha sharer loo soo xeray  ay u codeeyeen si aan loo garan cidda ay yihiin. Ma shaqaalihii Xafiiskiisaa, ma intii qoyskiisa Xamar ka joogtay baa? Ma unnuggii ilaalinayaa? Bal adba.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!