Yariisow oo ku dhaawacmay qaraxii galabta

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah oo MOL ay ka heshay qaraxii galabta ayaa  sheegaya in dhaawac halis ah uu soo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Inkastoo oo aan wali la xaqiijin hadana warar hordhac ah ayaa sheegaya in Yarisoow uu dhaawacmay Qarax ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir waxaana la sheegay in uu soo gaaray dhaawac daran, iyadoo loola cararay mid kamid ah xarumaha caafimaad ee Muqdisho.