Yariisoow oo yaaban iyo Jahwareer ka taagan Gobolka Banaadir!!!

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo Xafiiska shaqada jooga muddo ku siman Shan bilood ayaa wajahaayo culees Siyaasaded.

Gudoomiye Yariisow  wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn la’yahay Xildhibaano ka tirsan dowladda.

Waxaa xusid mudan durba inuu bilowday khilaafka Madaxtooyadda iyo Duqa Muqdisho, kadib markii shaqsiyaad ka tirsan Madaxtooyadda ay baraha Bulshada ku dhaliileen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir sida uu ugu fashilmay daryeelida ciyaartoyda Qaranka ee da’yarta.

Jahwareerka Siyaasadeed iyo fashilka ka jira Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa ah mid bilahan soo socday, balse muddooyinkaan dambe aad u soo xoogeystay, waxaana arrintaan ay tahay mid si wayn looga hadal haayo Magaalada Muqdisho.

Inkastoo Masuuliyiinta Gobolka Banaadir ay ku jiraan Xubno ka tirsan Madaxtooyadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, kuwaasi oo aad ula socda dhaqdhaqaaqa Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa haddana la ogeyn sida Yariisow saaxiibada gaarka ah ay ku sii ahaan doonaan Xubnaha Mucaaradka ka tirsan ee xafiiskiisa aanan ka bixin.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir hadda soo wajahday cabsi ah in xilka laga qaado,maadama uu sii xoogeystay khilaafka iyo muranka kala dhaxeeyo Siyaasiyiin ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.