Dhowrkii maalin ee lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho waxaa ka Da’ayay Roobab Xoogan kuwaasi oo sameeyn balaaran ku yeeshay dadka danyarta ah iyo waliba ganacsatada Magaalada,iyadoo ay taasi Jirto ayaa Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) Waxaa uu sheegay in Roobabkaasi ay dhaliyeen Qasaaro hantiyeed oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.
Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay Warkaasi kasoo yeeray ku tilmaameen mid aan hubsiimo loo dhihin islamarkaana gudoomiyahu uu iska hadaaqay,waxaa ay sheegeen in qasaarahu uu intaasi ku Jibaarmo 5-jeer
Guddoomiye Yariisoow ayaa tilmaamay in tirakoobkii ugu danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad kale.
“Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan, sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Dhaqaalaha ku burburay Raxmadii alle ayaa waxaa lala yaabay in Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir,uu ku Tilmaamay,35MILYAN