Yaqsigii Badalilahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo La Ogaaday

Reading Time: < 1 minute
Warar lagu kalsoon yahay oo laga soo xigtay ilo ku dhaw-dhaw xafiiska Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa  sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku talo jiro inu xil ka qaadis ku sameeyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow.
Warka ayaa xusaya in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wado qorsho la xariira sidi xilka looga qaadi lahaay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada, taaso la yiri talaabadaan waxay ka dambeysay kadib markii la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Arrintaas ay Cadaadis ku saareen Odayaasha  waxgaradka iyo qeybaha bulshadda ee degan Muqdisho iyo Siyaasiinta Gobolka oo tuhun ka qaba wax qabadka Eng: Yariisoow.
Gudoomiye Cabdiraxman Yariisoow ayaa la sheegay in lagu badalayo Gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir Cumar Cabdullaahi Xasan, Ila Wareedyo ku dhow Xafiiska Madaxwayanaha Soomaaliya ayaa Sheegaya in Waraaqdii lagu Magacaabi lahaa Cumar Cabdullahi Xasan Miiska Saarantahay Waxayna Wararku Sheegayaan In La Sugayo Saxiixa Madaxwaynaha Soomaaliya Waxaana Suuragal ah in maalmaha soo aadan lagu dhawaaqo Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho .
Sheekh Cumar Cabdullahi Xasan oo hadda ah Gudoomiyaha Degmada Wadajir laguna wado in loo magacaabo Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir, ayaa ah shaqsi afgaaban waxqabad muuqdana ka sameeyay mudaddi uu joogay Degmada Wadajir, ayaa sidoo kale xariir fiican kala dhaxeeya Odayaasha dhaqanka Beelweynta Abgaal, waxaana la filayaa in uu wax badan ka badalo hanaanka Maamul ee Gobolka Banaadir .
Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, sidoo kale waxaa kamid ah oo la hadal haayo Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukaar Ducaale Maareyaha dekada Muqdisho Axmed Waashiton iyo Yuusuf Jaalle oo aay isku dhaceen R/wasaare Xasan Cali Kheyre.