Yamamoto oo kulankii shalay ka sheegay in Dowlad Goboleedka ay hormuud ka yihiin la dagalanka argagixisada

Reading Time: < 1 minute

Kulankii shalay  lagu qabtay Xarunta Xalane ee looga hadlayay arimaha amniga Soomaaliya aya waxa ka hadlay Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Mudane Yamamoto.  Kulankaan oo loo yaqaaan marka la soo gaabiyo “security sector focused, strand A2” ayuu safiirku ku sheegay in Dowlad Goboleedku lafdhabar u yihiin la dagaalanka kooxaha argagaxisadda ee ka howlgala Soomaaliya.

Hadalka Safiirka ayaa waxa uu fartiin cad u dirayay Dowlada Farmaajo ee dagaalka ba’an kula jirta burburinta Dowlad Goboleedyadda.  Sida uu horay u sheegay Madaxa AMSIOM waa ay adkaanaysaa in dagaal ka dhan ah Al Sbaaab lagu guuleysto hadii ayan jirin awood ka timaado Dowlad Goboleedyadda.

Dowladda Soomaaliya oo ka talisa magaaladda Muqadishu kaliya ayaa ku guul daraysatay in ay nabad ku soo dabaasho Muqadishu iska da’aa dalka intiisa kale.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!