Yahya Sh. Caamir: “Ninka loo magacaabay Gud. Bangiga Dhexe kuma jirin dadkii imtixaanka galay”

Reading Time: 2 minutes

Aqoonyahan Yahya Shiikh Caamir oo ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha isla markaana ka mid ahaan jiray Gudiga Maamulka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (Board of Directors) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku sheegay in Gudoomiyaha uu maanta Xassan Kheyre Magacaabay uusan ka mid ahaynin dadkii ka qayb galay imitixaankii ay u fariistaan 140 qofood.

Professior Yahya waxa uu yiri “Cabdiraxmaan Cidna imtixaan lama galin, isaga ayaa ka mid ahaa Guddigii Imtixaan qaadayay ee soo xulay ninkii ajnabiga ahaa, isaga oo ka wakiil ahaa Dowlada kana socday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha”

Waxa uu intaas ku daray “ninka la magacaabay Xulidiisa kuma imaan imtixaan waxa ey Ku timid Magacaabid uu magacaaqday RW Kheyre”

Dhanka kale Professor Yahya ayaa bidhaamiyay in qofka la magacaabay uusan waligiis ka soo shaqeynin bangi iyo wax u dhaw. Waxa uu yiri ” Md. Cabdiraxmaan, weligii kama Soo shaqeyn Bangi /dhexe mid Somali & mid kaleba, inta badan waxa uu ka shaqeynayay, Xafiisyo wadama kala duwan ey ku lahayd Heyada qaxootiga ee Dalka Norway “NRC” . Norway oo ah Dalka uu dhalshada Ka heysto Md.Cabdirahmaan”

Waxaa cajiib ah in RW Kheyre uu qashinka ku daray dadkii imtixaanka u galay Gudoonka Bangiga  Dhaxe ee Soomaaliya kuwaas oo baaritaan lagu sameeyay taariikhdooda, aqoontooda iyo kartidooda shaqo isaga oo ka door biday shaqsi ay xidid yihiin isla markaana uu dano gaar ah kala dhaxeeyo. Waxa iyadana nasiib xumo ah in Madaxweynihii dalka ee ilaalin lahaa sharciga dalka in lagu qasbay in uu ogolaado magacaabitaanka shaqsigaaan ee ku dhisan sharci daradda.

Baarlamaankii dalka ee mas’uuliyadiisu ahayd la xisaabtanka xukuumada ayaa isagana noqday mid siyaad ahaan la “kufsaday” oo aan ka hadli karin kutumashada sharuucda dalka.