Yaaleh Abaabulka Mooshinka Xilka Looga Qaadaayo Gudoomiye Jawaari+ Kheeyre oo Malaayiin Doolar Bixinaayo!!!

Reading Time: < 1 minute

Iyado Manta qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka ay Warbaahinta usoo bandhigeyn Mooshinka ay ka gudbiyen Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Soomaaliya Prof Jawaari aya waxa so baxaya cadaadiska xoogan ay si fuulaya Gudomiye Jawaari.

Raiisul Wasaare Xasan Cali Kheyre aya dardar galinya Mooshinka Xilka loga qaadayo Gudomiye Jawaari iyado Xarunta Madaxtoyada uu kulumo joogta ah uu ka wado Mudane Kheyre isago kulamo kala duwan la yeelanaya Xildhibanada Baarlamanka si lo dardar galiyo.

Mooshinka xilka loga qaadayo Gudomiye Jawaari waxa Raiisul Wasaare Kheyre ka garab siinayasa Dowlada Qadar iyado lacagaha ku baxaya Mooshinkaasi ay bixineyso.

Tirada ugu badan xildhibanada Baarlamanka aya saxiixay Mooshinkasi iyado ay saxiixeyn Xildhibaano gaaraya 107 Xildhibaan oo Daahir amni Jeesow horkacayo.
Raiisul Wasaare Kheyre aya mooshinkan u dardar galinaya si loo daboolo mooshinkisa oo la aminsan yahay in uu Jawaari dabada ka riixayay,iyado ay muuqato in Jawaari lolanka Moshinka logaga hormaray.

Gudiga joogtada ah ee Baarlamanka aya kulan ka yelanaya manta Mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari,iyado haatan xiisado siyaasaded oo kacsanan ah ay ka dhex jiran Madaxtoyada