Yaalaha Gaariga An Xabada Karin ee Ilaalada Madaxtoyada Soomaaliya Ay Xabadeyeen

Reading Time: < 1 minute

Wararki ugu danbeyay ee gaarigii lagu rasaaseyay Agagarka Sayidka aya la shegaya in Gaarigasi uu lahaa Hanti-dhowraha Guud ee qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye”.

Gaariga oo ay Taayarada ka banjariyeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya gaarigaas oo ahaa Bullet buruuf “Kuwa aan Xabadda Karin” ee masuliyintu ay qatan.

Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye” ayaa ka maqnaa Gaariga waxaana la aaminsan yahay in uu saaran yahay oo kaliya Darawalkisa, Wadaha Gaariga ayaa diiday in uu furo Albaabada Gaariga si loo baaro waxa uuna isku dayay in uu xoog ku soo maro Xarunta Ciidanka waxaana kadib Qoriga culus ee ka dhaca Gaariga nuuca Cabdi Bile ah la sheegay in ay Ciidamada ku fureen waxa ayna taasi ay sababtay in Gaariga uu Taayarada ka Banjaro.

Wararka aya sheegaya in aan ilaa hadda Banaanka u soo bixin Wadaha Gaariga oo an la ogayn sababta uu wali ugu dhax jiro gaariga, Warar kale ayaa sheegaya in uu waday mas’uuliyiin Islamarkaana uu sheegay in uu ka baqayo Ciidanka rasaaseeyay Gaarigii uu watay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!