Yaa Xareystay Lacagihii laga Qaaday Murashixiinta Kuraasta Aqalka Sare?

Reading Time: < 1 minute

Si qofku uu isugu soo sharraxo Aqalka sare waxaa qofkiiba looga baahan yahay $20,000 oo uu ku iibsado kursiga uu u tartamayo, isagoo xataa ogeyn inuu helayo. Halkii kursi ee xildhibaan laba qof ayaa ugu yaraan loo soo taagay waxaana mid kiiba sida sharcigu qabo laga rabaa $20,000, kuwa hadda dhimanna waa la mid. Lacagtaas sida sharciga ku qoran waxaa qaadi lahaa guddiga doorashada, hasa yeshee xogta la helayaa waxay sheegeysaa inaysan soo dhaafin goobihii lagu qaaday, isagoo guddigana uuba mid iska tabar daran oo xataa hadda ay hawshooda la wareegeen Madaweynayaasha DG.

Tusaale MW Qoorqoor ayaa waxaa la sheegay inuu xildhibaannada isa soo sharraxay u sheegay inay lacagta isaga u geeyaan isagana uu ka shaqeyn doono in kuwa wax dooranaya iyo kuwa wax soo xulaya iyo ciidanka ilaalin doono uu afka u qooyn doono sidaasna ay cid waliba ku raalli noqon doonto.

Siciid, Axmed Madoobe iyo Lafta gareen iyagu xaalkooda waa ka duwanaa oo iyagaba ayaa gacantooda ku maamulay lacagtaas.
Tira ahaan waa lacag aad u badan kursi kastaa laba qof ayaa u tartameysay markaas waxay noqoneysaa kursi kastaa inuu ku fadhiisto qiimo dhan $40,000 taas ka dhigeysa inay ka soo xarooto 54 xildhibaan ee aqalka sare Lacag dhan $2,160,000 waana  lacag aad u badan. Inkasta oo aan la qaban doorashada H/Shabeelle iyo Somaliland haddana inta la qabtay weli lama maqal in la soo gudbiyey dhaqaalihii ka soo xarooday.

Sidaas daraadeed shacbiga ha ogaado in halkaas uu dhaqaale kaga maqan yahay welina aan la maqal qaabkii loo baadi goobi lahaa. Waxaa kaloo intaas ka daran ma jiro hab la isla og yahay oo lagu saxayo haddii lacagahaas ay Madaxda DG jeebkooda ku shubtaan.

Guud ahaanna dhibaatada doorashadaan waxaanba jirin hab iyo hannaan la isla ogyahay oo wixii khaldamaa lagu saxayo (Corrective Mechanism).

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!