Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
315 days
00 hours
24 minutes
37 seconds

Muqdisho Online waxaa sadaalineysaa in doorashada soo socotaa, waa haddiiba NN ay aqabtaan dorashee, in ay noqon doonto mid ay dad badani isu soo taagi doonaan kadib markii ay arkeen in MW Farmajo uu madaxweyne ku noqon karo habdhaqanka noocaan ah oo ay cid waliba aaminsan tahay inay ka wanaagsanaan karto marka laga reebo ragga la yaqaanno ee soo maray madaxtinimada dalka oo iyaga la hubo inay waxbadan qaban karaan.

Waxaan su’aalo kala duwan siyaabo kala duwan u weydiinnay murashaxiin badan oo noo mujiyey inay rajo ka qabaan inay MW Farmajo talada kala wareegaan, inkastoo ay dhici karto inuusanba wareejin in xoog looga qaado maahee.

Haddaba waxaan soo ururinnay araa’a kala duwan iyo rabitaanka shakhsiyaadkan soo socda oo qaarkood ayba u bilaabeen ee si hoose  ololihii doorashada sida RW kheyre. Dadka la filayo inay isu soo taagaan madaxweynenimada Dalka 20/21 waxaa ka mid ah:

  1. Maxamed Cabdullahi Farmajo
  2. Xasan Cali Kheyre
  3. Xasan sheekh Maxamuud.
  4. Sharif Sheekh Axmed
  5. Fowzia Xaaji Adan.
  6. Cabduqadir Cosoble Cali.
  7. Cabdiweli Cali Gaas.
  8. Cabdiweli sheekh Axmed
  9. Shariif Xasan Sheekh Aden.
  10. Jibriil Ibarhim Cabdulle.
  11. Cabdiraxman Cabdishakuur
  12. Maxamed Sh Cusman Jawaari
  13. Yusuf Garaad Cumar Axmed
  14. Cumar Cabdirashiid Cali
  15. Cabdikarim Xuseen Guuleed
  16. Cali Xaji Warsame
  17. Zakariye Xaaji Maxamud
  18. Dahir Maxamuud Geelle
  19. Maxamed Cumar Carte

Intaan waxaan si toos ah ama  si dedbanba uga haynaa in mid waliba uu rabo inuu isu soo taago jagada ugu mudan qaranka ay bahdileen Farmajo, Kheyre, Fahad, Mursal iyo Cabdi Xashi. Mid waliba oo ka mid murashaxiintaan waxay aaminsan yihiin in ay dalka uga rayn doonaan kooxdaan tobaneeyo sano dib u celisay, waxaasa yaab leh in kuwii dalka meeshaan dhigay ay wali rabaan inaan sii joogaan oo ay uga sii daraan marka u dambeysana ay afar sano kabaddi boorsooyin lacag ah kala tagaan.

Baaris ay waddo Muqdisho Online oo ay ku daba jirto hantida maguuratada ee ay dalal kale uga dhisteen canshuurtii ummadda ayaan daabici doonnaa marka ay barista iyo cadeeymaha noo soo dhamaadaan Inshaa Allaahu.

Waxaa la filayaa inuu liiskan kordhi karo ama uu yaraan karo balsa inta la hubo inay ugu yaraan bilaabeen olole hoose sida waa intaan.

Durbaba waxaa la soo saaray RW Kheyre iidhehdiisa oo wareegeysa baraha bulshada, tan oo la hubo inay kooxda MW Farmajo ka falcelin doonaan oo dhawaan la arki doona iyagoo shaararka iska jeexjeexaya.

 

MOL waxay mar waliiba sameyn doontaa inay idinla wadaagto kolba is badalka ku yimaada liiskaan sare.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here