Yaa u fududeeyay Mahad Guled inuu maalin cad boobo kuraasta Aqalka Hoose

Reading Time: 2 minutes

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u muuqda in uu si aan gabashio lahaynin u  boobayo kursi golaha shacabka ah ee baarlamaanka federaalka ah oo ay lahaayeen beelaha Reer Iidle iyo Gaashaanbuur ee Ciidagale. Boobkaan ayaa waxa si cad ugu fududeeyay Farmaajo, oo aaminsan in Mahdi isaga u shaqeeynayo.

Qoraal cabasho ah oo ay soo saareen beelaha Reer Iidle iyo Gaashaanbuur ee Ciidagale lana gaarsiiyay Ra’isul wasaare Maxamed Rooble waxaa ay beesha Gaashaanbuur ee Ciidagale ku sheegtay in Mahdi Guuleed oo si bareer ah u boobayo Kursiga tirsigiisu yahay Hop 239 ee ay isla leeyihiin Reer Iidle iyo Gaashaanbuur, nafdadiisana uu la rabo,  isaga oo kasoo leexday kursiga ay xaqa u laheyd beeshiisa ee Hop 254. Mahdi ayaa doonaya inuu kursigan uu xoogayo uu shakhsi ahaantiisa kusoo baxo, waxayna ra’isul wasaare Rooble ka dalbadeen inuu si degdeg ah arrinkan wax uga qabto.

Mahdi Guuleed iyo kursiga beeshiisa Dhammal Aadan, Ciidagale ee Hop 254,  waxaa hadda ku fadhiya xildhibaan Jaamac Askar, Mahdi waxaa uu doonaya in Jaamac uu kursiga sii heysto matalaadiisa isagana uu qaato kursiga kale ee Hop 239 ee xaqa u leeyihiin beelaha Baha-duqdi iyo Gaashaanbuur.

Qoraalka ayaa  waxaa ku xusan in Kursiga beesha Dhammal Aadan ee Mahdi Guuleed uu saxiixe u yahay Xasan Muxammed Maax halka kursiga 2-aad ee hadda uu doonayo inuu Mahdi Guuleed inuu beesha siiyo ee Hop 239 ee ay isla leeyihiin Reer Iidle iyo Gaashaanbuur uu saxiixe u yahay Suldaan Maxamed Aadan Cabdullahi Ducaale.

Waxaa xusid mudan in beesha reer Iidle oo wax ka leh kursiga Hop 239 ay heshay kursi aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah, taasi oo ka dhigeysa in kursiga golaha shacabka ay xaq u leeyihiin Baha-duqdi iyo Gaashaanbuur, beelahaas oo hadda xoog uga qaadan rabo Mahdi Guuleed, isaga laftiisa la doonayo inuu kursiga kusoo baxo.

Haddii sida uu rabo Mahdi Guuleed ay wax noqday,  reer Dhammal Aadan waxaa ay golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ku yeelan doono labo kursi, oo midkii ay horay u lahaayeen ee Hop 254 ee uu hadda ku fadhiya Xildhibaan Jaamac Askar, iyo midka Hop 239 ee ay isla leeyihiin Reer Iidle iyo Gaashaanbuur, kaas oo uu Mahdi Guuleed siin doono beesha Dhammal Aadan.

Mahdi Guuleed, ra’isul wasaare ku-xigeenka oo isaga iyo guddoomiye Cabdi Xaashi loo madaxbanneeyey arrimaha doorashada Somaliland ayaa u muuqda inuu bilaabay kutakrifal awoodeed, iyo meesha ka saarayo isku dheelitirnaanta beelaha, waxaa ayna taasi wax ka badali doontaa heshiiskii awoodqeybisga beelaha waqooyi ee 2016-kii.