Yaa soo saaray muuqaalka looga been abuuray Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur? (Xog)

Soo saarayaasha muuqaalada been buurka ah ee lagu bartilmaansado siyaasiyiinta
Reading Time: 2 minutes

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal looga been abuuray Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyadoo la sheegay in uu qaranka ka dhacay hanti badan uuna haysto adduun dhan $50 Milyan oo doollar.

Beenta intaa la eg waxaa ka danbeeyay soo saaridda iyo isku dubbaridka muuqaal beeneedkaas, xubno ka tirsan xafiiska RW Kheyre iyo Xafiiska MW Farmaajo. MOL aya heshay xogta ragga ka danbeeyay baahinta iyo soo saaridda muuqaalka laga sameeyay Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxayna kala yihiin.

Soo saarayaasha muuqaalada been buurka ah ee lagu bartilmaansado siyaasiyiinta
  1. Cawaale Jaamac Salaad (Shaqsiga duubay codka muuqaalka) Waxaana uu ka shaqeeya xafiiska RW Kheyre.
  2. Cabdinuur Maxamed Axmed (Shaqsiga bixiyay lacagta lagu soo saaray muuqaalka) Waa agaasimaha saxaafadda Villa Soomaaliya, waana shaqsigii ka danbeeyay isku daygii dilka wariye Ismaaciil Sheekh Khaliif.
  3. Axmed Yusuf Myruu. (Waa shaqsigii farsameeyay muuqaalka) Waxaa dhalay Xildhibaan hore Maxamed Cabdi Yusuf.)

Sida wararka naga soo gaarayo iyo xogta aan ka helnay xafiiska RW Khayre uu ku mashquulsan yahay in uu sidaas oo kale muuqaalo videos ka soo saaro xildhibaanada aay ka mid yahiin,

  1. Xil. Cabdulqadir Cosoble
  2. Abdixakim
  3. Xil. Cabdirasaq Cumar
  4. Xil. Sabir
  5. Xil. Khalif
  6. Xil. Geele
  7. Xildh Cabdifatax Ismaaciil Daahir

Waxaase is weydiin leh miisaaniyaddii Dowladda in loo adeegsado in loo isticmaalo dacaayad iyo propoganda siyaasadeed. Mise ogyahiin deeq bixiyaasha in lacagahii loogu tala galay kabka miisaaniyadda (budget support) inteeda badan lagu bixiyo dacaayado.

Xogta aan heleeyno ayaa sheegeysa agaasimaha warbaahinta ee xafiiska Madaxweynaha Cabdinuur loo qoondeeyay miisàniyad dhan $200 kun bishii si dacaayado been ah looga fidiyo waxqabadka dowladda iyo in lagula dagaalo sumcadda siyaasiyiinta dhaliilsan waxqabadka xukuumadda iyo xafiiska Madaxweynaha.