Yaa soo abaabulay kulankii xalay ka dhacay Hotel SYL ee loogu dhaartay beesha Habar Gidir?

Reading Time: 2 minutes

 Waxaa xalay waqti danbe lagu soo gabagabeeyay kulan ka dhacay hoteelka SYL oo ay isugu yimaadeen beesha Habargedir iyo wasiiro ka mid ah dowladda federaalka.

Kulanka ayaa lagu keenay odayaasha iyo siyaasiyiinta beel weynta Habar Gidir in looga hadlaayo shilkii ka dhacay degaanka Bariire, balse markii aay soo xaadireen ayaa waxaa aay ka war heleen in kulanka loosoo abaabulay in looga hadlo xaaladda Galmudug.

Waxaa markii danbe aay ogaadeen odayaasha iyo siyaasiinta in qabashada kulanka aay hoosta ka soo abaabuleen RW Xasan Kheyre, Senatar Dhagdheer iyo Xildhibaan Mustafa Dhuxulow.

Iyadoo aan gabasho lahayn ayaa beesha Habargidir waxaa la horkeenay laba qodob oo aay aad ula yaabeen, iyo sida daciifnimada leh ee aay ugu dhiiradeen beesha Murasade in aay shaar dowladeed ugu hanjabaan beesha Habargidir. Qodobada la horkeenay yaa kala ahaa.

  1. Madaxweyne  Ahmed Ducaale Xeef la casilay beeshana ku qanciso in uusan ahayn Madaxweyne.
  2. Hadii taa dhici waydo in oday dhaqameedka 11ka qabiil ee degan  deegaanka Galmudug shir qabtaan kaas oo lagu iclaaminayo in hogaan cusub loo doorto Galmudug.

Arintaan ayaa waxaa ay ku nooqay beesha Habar Gedir wax lala yaabo. Nabadoon Axmed Diiriye oo isagu taageero u ahaa dowladda ayaa u sheegay wasiirada iyo xildihibaandda in ay doqonimo tahay in ay war noocaas ah la soo hor yimaadan shirka beesha. Waxa uuna u sheegay wafdiga ka socday Ra’isal Wasaaraha in Xaaf yahay Madaxweyne wax laga xaajoodaana ayan jirin”

Sidoo kale waxaa si caraysan halkaa uga hadlay Ugaas Caga Jabeey oo ku tilmaamay caqli xumo in beesha Habar Gadir loo caga jugleeyo. Waxa uu yiri “U sheega ina Kheyre khaatumadda waa seegtay ee ilaah cafis waydiiso. Wixii ka dhaca Galmudug ama dhiigii ku daatana waxaa mas’uuliyddeeda iska leh Xassan Kheyre iyo Farmaajo”

Waxa isna fartiin halkaa uga diray Farmaajo Nabadoon Abukar Ganeey “Waxaan ka rajaynaynaa Madaxweyne Farmaajo iyo wiilka yare e uu ka dhigtay Ra’isal Wasaaraha in ay joojiyaan colaada lagu hayo beeshaan.  Galmudug hogaan bey leedahay ee ha loo daayo talada hoogaankaas”

Shirka ayaa ku soo dhammaaday fashil, waxaana cirka isku shareeray xiisadda siyaasadeed ee ka dhexeysay beesha Murasade iyo beelaha la dega Galmudug.

Sida aay u sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha amniga waxaa aad looga cabsi qabaa in dagaal fool ka fool ah uu ka dhaco magaalada Cadaado, kaasoo raad ku yeelan doono in mid la mid ahna uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo RW Xasan Kheyre uu ka codsaday beesha taliska AMISOM in si degdeg ah Cadaado loo geeyo ciidamo AMISOM.