“Yaa reer Gal-mudug u talin doona Sedaxda Madaxwayne”

Reading Time: < 1 minute

Doorashadii maanta ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta  Maamulka Gal-mudug waxaa ay marag ka aheed  damiir la’aanta  kooxda Villa Soomaaliya ama Nabad & Nolol.

Axmed Cabdi Kaariye”Qoor-qoor” oo lasii ogaa in la dooran doono ayaa kusoo baxay doorasho beeneedkii Maanta la qabtay,waxaana yaab leh sida xishood la’aanta ah ee doorashadaasi u dhacday.

Dad badan ayaa isweeydiinaya Su’aal muhiim ah oo ah “Yaa reer Gal-mudug u talin doona Sedaxda Madaxwayne” Maxaa yeelay waxaa jira imanka ilaa iyo sedax Madaxwayne kuwaasi oo kale ah Axmed Ducaalle geelle Xaaf oo saldhigiisu yahay Gaalkacyo,Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xassan oo ah garabka Ahlusunna islamarkaana maalmo ka hor lagu doortay Dhuusa-mareeb iyo Axmed Cabdi Kaariye oo doorashada Gal-mudug loo Afduubay Maantana ku guuleeystay Doorashadii la qabtay

In Gal-mudug lasii kala fogeeyo oo ay yeelato wajiyo badan waxaa sabab u ah R/wasaare Xassan Cali kheeyre kaasi oo awood ku maquuniyay cid walbo oo ay aheed in laga tala -geliyo doorashada Gal-mudug.

waxaa la aaminsan yahay in dib u dhac horleh ay cagta saartay Gal-mudug,waxaana adkaan doonta in dib la iskugu keeno Gal-mudug loo dhan yahay sida ay qabaan dad badan.

Doorashada Qoor-qoor loo qoorqabtay waxaa iskaga haray musharaxiintii ugu badnaa kuwaasi oo u dulqaadan waayay hannaanka Villa Soomaaliya u martay

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!