Yaa qadaya mas’uuliyadda fashilka Imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyada Sare

Reading Time: < 1 minute
Hadalka ka soo yeeray wasiirka ayaa yimid
ka dib markii la iibsaday imtixaanka ardayda.

Wasiirka oo caawa Warbaahinta Qaranka kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in wixii hada ka dambeeya la joojiyay imtixaankii socday, isla markaana la baabi’iyay dhamaan maadooyinkii ay ardayda saddexda maalin ee la soo dhaafay galeen.

Wasiir goodax ayaa xusay in laamaha ammaanku ay baaritaan ku sameyn doonaan dad la sheegay inay qish bixiyeen oo imtixaanka ku saabsan, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoosta ka xariiqay in timxaanka 27-ka bishan May dib loo qaadi doono.

Su’aasha la isweydiinayaa ayaa ah yaa qaadaya mas’uuliyadda fashilka dhacay? Waa in Wasiir Godah isaga iscasilaa.