Yaa loo wadaa inuu noqdo Guddoomiyaha Bangiga dhexe si loo dhaco Hantida ummadda. Bal nala Arag!!

Reading Time: 3 minutes

Fahad Yasiin ayaa waxaa uu mar waliba ku dhaqaaqaa tallaabo naxdin leh oo midba tan ay ka dambeyso  ay ka sii xanuun badan tahay. Shalay waxaa uu kala diray NISA, maantana waxaa la kala daadinayaa hannaanka uu ku shaqeeyo Banagiga dhexe ee Somaliya. 

Waxaa dhamaatay muddo xileedkii Gudoomiyaha Bangiga dhexe Bashiir Ciise, Fahad waxaa uu Nayroobi ka keenay Munir Sheekh Axmedoo ay qaraabo dhow yihiin. Munir waxaa uu hadda joogaa Xamar waxaanu la kulmay Madaxweyne Farmajo iyo RW kheyre si loogu badalo gudoomyaha Bangiga dhexe oo shaqada ka tayaga dhowaan.

Waa Kuma Munir Sh Axmed ?.

Munir Ahmed Sheikh waxaa uu  ka soo shaqeeyay Chase Bank a Nairobi  iyo NBK waana Somali -Austerlian Waxaa uu ka shaqeeyey markii ugu dambeysay Bangigii National Bank Of Kenya (NBK) oo uu ka noqday maareeyaha guud ee Bangiga, hasa yeeshee waxaa uu isdaba mariyey lacago bangiga uu leeyahay, una keentay khasaare weyn Bangiga hasa yeeshee waxaa uu in muddo ah isticmaalayey xeelad ah inu ka been sheego xisaabaha bangiga (cooking the books). Waaxanu Maareeye Munir gacanta ku rimiyey xisaabaha bangiaga si looga qariyo khasaaraha Bangiga uu geliyey ganacsatadii maalgashiga ku sameysay Bangiga. Sidoo kale waxaa lagu eedeyey inuu deyn siiyey walaalkiis, inkastoo uu ku dooday inuu marsiiyey jidkii saxda ahaa walaalkii si uu deyntaas u helo.

Xaalka marka uu halkaas marayo wxaa soo gashay hay’adda madaxa bannaan ee The Capital Markets Authority (CMA), oo ah hay’adda maareysa maalgashiga suuqyada lacagta ee dalkaas.CMA waxay dhakhsaba ku ganaaxday Munir 112.8M, waxayna dhacaday arrintaan 5tii April 20118. Xukunka Maxkamadda ayaa isna soo baxay horraantii August 2018 waxaana lugu xukmumay Ksh 5 milyan iyo  Inuusan Munir Sheekh Axmed wax xil ah uusan ka qaban Karin hay’adaha iyo kuwa ganacsiga ee ay hay’adaan kormeerto.

July 2016 Munir waxaa laga qabtay Garoonka Dayuuradaha ee Jomo Kenyatta waxaana lagu xeray saldhigga boliiska ee Kileleshwa ee Magaalada Nayrobi, iyadoo looga baqay inuu dalka ka baxsado, isagoo markaas ku sii jeeday dalka Imaaraadka, hasa yeeshee waa la sii daayey isagoon dacwad lagu oogin.

Haddaba waa maxay sababta loogu dhiibayo bangiga dhexe ee Somaliya shakhsi lagu caddeeyey maamul xumo iyo wax isadaba marin, haddaan ujeeddo kale laga lahayn?

MOL waxay su’aashaas weydiiysay dhaqaaleyahan Somaliyeed  oo aad ula socda xaalka dhaqaaqa dhaqaale ee bariga Afrika.

Dhaqaaleyahanku waxaa uu yiri “Waxay u egatahay inuu jiro qorshe qarsoon oo ay wada gaareen madaxda dalka ugu sarreysa, garwadeenna uu ka yahay Faahad, markii ay arkeen in xaalku ku xumaanayo, qorshahaas oo ah inay sii qaataan waxay sii qaadan karaan, siina diyaarsadaan qaabka ugu fudud oo ay ku fushan karaan dantooda ama raadgadan karaan, waana in loo magacaabaa Bangiga dhexe shaakhsi waxay rabaan u farsameeya buugtana toosiya si haddiiba la is qabsado looga badbaado”.

Bashiir Ciise iyo Beyle waxay dhowaan joogeen Nairobi Stanley Hotel oo ay kula kulmeen Munir iyo Axmed Nasir iyadoo Fahadna Khadka telefoonka lagu soo wacay, kadib markii uu Bashiir Ciise si u shakiyey balsa loo sheegay inuu is dajiyo oo xog dheeraad ah Xamar lagu siin doono.

Akhriste; Ciidankii Rigliga ahaa ee Xooga dalka  Somaliyeed ee shabaab ka saaray dhamman goobihii laga saaray waa la kala diray oo waa hadda iyo dib u doon doon. Waxaa la kale diray NISA oo tababar fiican qabtay balse khalad loo adeegsaday.  Hadda waxaa la qorayaa NISA cusub oo ah ciidan Gedo laga keenay waxaana tababaraya Dalka Sudan iyadoo kharashka ay bixineyso dalka Qatar. Ciidankaas waxaa loo isticmaali doonaa dano gaar ah waxayna ka amar qaadanayaan oo kaliya Fahad Yassin iyo Cabduuli Kullane (Jiis Mareexaan).

Dhinaca kale, waxaa uu Beyle karinayaa buugta wasaaradda Maaliyadda sidii dawladdi Maxamed Syaad oo aan maanta la ogeyn cidddii deyn qabtay iyo cidii kale. Bangiga dhexe waxaa loo soo wadaa nin wali uu raadkiisii muuqdo oo ay dacwad ku socoto iyadoo uu qareen u yahay ina adeerkiis Axmed Nasir oo qareen u ah Fahad kadib markii lagu helay dokumentiga been abuurka ah oo baasaboorro ah.