Yaa lagala xisaabtamayaa xasuuqii ka dhacay Baydhabo?

Reading Time: < 1 minute

Asbuucii la soo dhaafay waxa lagu xasuuqay magaalada  Baydhabo dad ka badan 20 qof halka ay isbitaalka ku jitaa sodomeeyo qaba dhaawacayo kala duwan. Xasuuqaas ka dhacay Baydhbao ayaa waxaa gaystay cidamo ka amar qaato MW Farmaajo iyo ciidamada Itoobiya oo amar laga soo siiyay magaalada Muqadishu.

Waxaa nasiib xubo ah in ayan jirin siyaasiyiin ka hadlaya dhibkii dhacay? Shacabka ku dhaqan deegaanka Koonfur Galbeed aya waxa ay iswaydiinayaan yaa lagala xisaabtamayaa dhibkii ka dhacay Baydhabo? Maxmed isaaq (Maadeey) ayaa  u sheegay MOL in la yaaban yihiin aamusnaanta xasuuqii ka dhacay Baydhabo. Waxa uu yiri “waa nala xasuuqay mana jirto cid ka hadlayso dhibkii na gaaray, waxaa iska cad in dhiigeenii uu noqdo mid lagu gaaray mansub qof lala rabay”.

Su’aasha shacabka reer Koonfur Gabeed  waydiinaynaan siyaasiyiintooda iyo waxgaroodka ayaa ah “yaa lagala xisaabtamayaa wixii dhacay”