Yaa ku tartamaya doorashada kursiga HoP#058 ee Baladweyne?

Reading Time: < 1 minute

Guddiga maamulka doorashada ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta lagu wadaa  in ay Magaalada Beledweyne  ku qabtaan  doorshada kursiga Hop#058 oo ay ku tartamayaan musharrixiin farabadan.

Shalay ayaa loo madal sanaa in la qabto doorashada balsa dib ayay u dhacday,waxana hada Beledweyne ka socodo qaban qaabada doorashada kursigasi, Musharaxiinta ku tartami doono kursiga doorashadiisa la qabanayo ayaa kala ah

1:  Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

2: En, Yoonis Maxamed Nuur.

3:  Cali Cabdullaahi Cosoble.

4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.

5: Maxamuud Afdhuub Makaraan

6: Cabdullaahi Axmed Xuseen

7: Ubax Cali Sheegow

Hirshabeelle ayaa wali waxa ku harsan kuraas dhowr ah oo an wali la qaban doorashadooda.iyadoo lagu wado in ugu dambeeyn 15-bisha soo socoto la soo gaba gabeeyo doorashada xildhibannadana la dhaariyo si ay wajibkood u gutaan