Iyado Dorashada baarlamanka ay ka dhaceysay dalka Jabuuti ayaa la sheegaya in xisbiga talada haya MRD ee wadankaas Jibuuti uu ku guuleystay doorashadii Barlaamaaniga aheed ee Jabuuti.
Dadka reer Jabuuti ayaa shalay u dareeray goobaha codbixinta iyadoo dadweynuhu ay soo dooranayeen xubnaha ka mid noqonaayo baarlamaanka waddankaasi oo ka kooban 65 xubnood.
Kuraasta baarlamaanka 10 kursi mooye inta kale waxaa horay u heysta isbahaysiga talada haya ee MRD, taas oo muujineysa in baarlamaankii hore ay ku xooganaayeen xisbiga talada haya, doorashadii shalay dhacday ayaa markale waxay ku xajisteen xisbiga talada haya tirada xubnaha barlamaanka ay ku leeyihiin iyadoo xubnihii mucaaradka ay doonayeen in sanadkaan kula loolamaan tirada xubnaha Barlamaanka Jabuuti ayaa arintaas u suura galiwayday xubnihii macaaradka ah, sida ka muuqata natiijada doorashada.
Xubnaha Mucaaradka ah ayaa sheegay markii ay soo baxday natiijadaan oo muujineysa in ay doorashadii barlamaanka Jabuuti ay ku guuleysteen Xisbiga talada haaya ee MRD, in lagu shubtay doorashadii dhacday oo xisbiga talada hayay ay isticmaaleyn wax is daba marin.